Kusoo dhawaada webka Alquran Alkariim 

Quran, Cure of the Hearts.

SHEEKOOYIN

Kusoo dhawaw Pageka Sheekoyinka iyo Qisooyinka.


view:  full / summary

QISO CAJIIB AH OO CIBRI QAADASHO MUDAN

Posted on April 30, 2013 at 5:50 AM Comments comments (0)

QISO CAJIIB AH OO CIBRI QAADASHO MUDAN.

Nin baa u yimid Cumar bin Khadaab RC, Ninkaa wuxuu watay Wiil Yar, Cumar ayaa yiri waxaan arkay Maanta wax Yaab leh, waligey ma arag Nin Cunigiisa saan ugu Eg yahay, markaasuu Ninkii yiri:- Cumaroow Ma Ogtahay Wiilkaan inay Hooyadiis ay Dhashay iyadoo Meyd ah.

Markaasuu Cumar RC, intuu Fadhiga badelay ku yiri:- Iiga Sheekee sidee u Dhashay ayadoo Meyd ah.

Ninkii wuxuu yiri:- Wiilkaan isagoo Caloosha Hooyadii ku jiro ayaa Safar i soo Galay, markaasay Hooyadii tiri:- Halkee nooga Tageysaa anoo Xaamil ah oo Dhali rabo? Haddaba, markaan Albaabka Guriga ka baxayey ayaan Caloosheeda Gacanteyda saaray oo aan ku iri:- ILAAHOOW ADIGAAN KUGU AMAANEYSTAY WIILKEYGA. intaas ka dib ayaan Safarkii u baxay.

... ... Haddaba, markaan Safarkii ka soo laabtay, ayaan imid Gurigii oo Xiran, ka dib Deriska ayaa ii sheegeen iney Xaaskeyga Dhimatay, ka dibna waxey ii keeneen Casho, anoo Cashadii cunaaya ayaa waxaan arkay Qiiq meel ka baxaayo, kolkaas ayaan Dadkii weydiiyey, waxaana ay ii sheegeen, inuu Qiiqaasi yahay Qabriga Xaaskeyga, iyagoo weliba ii sheegay maalintii la Aasay ilaa iminka inuu Qiiqaasi ka socdo Qabrigeeda.

Wallaahi inaan Dadka oo dhan uga Aqoon badanahay, inay ahayd Qof Taqiyad, Saalixad, Soon badan oo wixii Xun Reebta, wixii Sanna dadka Sarta ayey aheyd, kolkaas ayaan Dadkii ku iri:- Soo baxa i Raaca aan soo arkee, waan soo baxnay markaan Qabrigii imaanay ayaan ku bilaabay inaan Qodno, markaan Qodnay mise waxaan aragnay Xaaskii oo Meyd ah oo Fadhisa iyo Wiilkii oo Ag fadhiya, ka dib ayana maqlay Cod i leh:- KII AMAANADA ILAAHEEY U DHIIBTAYOOW QAADO AMAANADAADA.

Culimadu waxay yiraahdeen hadduu Dhihi lahaa Illahow Wiilkeyga iyo Hooyadiis ayaan kugu Amaaneystay, ayadoo Nool buu ugu Imaan lahaa laakiin Qadarka Allaah ayuu ahaa inuusan sidaa Dhihin oo Waqtigeeda ayaa intaa ku Ekaa.

Qiso: Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan.

Posted on April 28, 2013 at 6:15 AM Comments comments (0)

Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan...

Sheekh Cali Dhandhaawi ilaahay ha u naxariistee waxa uu ku yiri Xasuus qorkiisii:

Dimishiq waxaa ku yaaley masjid wayn oo la yiraahdo Jaamic al tawbah, Waa Jaa...mic wayn oo barakaysan oo Quruxbadan, Waxaa loogu magacaabey Jaamic al tawbah Wuxuu ku ooli jirey meel Macaasida lagu sameeyo barigii hore, kadibna waxaa iibsadey Mid ka mid ah Boqoradii Qarnigii Todobaad ee Hijriga, Intuu dumiyey ayuu masjid ka dhisey.

Masjidka waxaa Joogi jirey Sheekh ilaa Todobaatan jir ah Magiciisana waxaa la oran jirey, Sulaym AL Suyuudi, Dadka xaafadda daganina aad bay ugu kalsoonaayeen wixii ku saabsan arimaha diintooda iyo duunyadoodaba way ula noqon jireen, Sheekha waxaa la joogi jirey Ardey aad u dhawrsani badan oo aan waxba haysan, Masjidka ayuu ka daganaaa Qol, waxaa soo maray ardaygaas Inusan waxba cunin laba maalin, wuxuu cunana ma uusan heli jirin, maalintii Sadexaad ayuu is yiri waad dhimanaysaa, wuxuu ka fakarey wuxuu samayn lahaa, markaasuu wuxuu Is tusiyey In ay u bannaantahay inuu wax soo xado si uu dhimashada uga bad baado.

Sheekh Dandaawi wuxuu leeyahay Qisadan waa Qiso dhab ah dadka ay ku dhacdayna waan garanayaa.

Masjidku wuxuu ku yaaley xaafado qadiim ah, guryuhu barigii horena way xidhiidhsanaan jireen oo dhinaca ayeey isku wada hayeen, qofkuna wuxuu awoodey inuu guri intuu fuulo uu xaafadda dhan isu wada maro.

Ardaygii Masjidkii buu dhakada ka fuuley kadibna wuxuu ku dulsocdey xaafadihii isku dhegsanaa, indhihiisu waxay ku dhaceen dumar kadibna wuu ka ill laabtey oo wuu ka fogaadey, wuxu arkey Gurigi Cidlo ah oo ay ka so baxayso Urta Karinta cuntada, Gaajadii haysey awgeed Sidii bir labta oo kale ayaa dhankii guriga loogu jiidey, gurigii buu kor ka dalooliyey kadibna Kijadii buu galey, digsigii dabka Saarnaa ayuu ka qaadey daboolka, Mise waxaa kar karaya Baadijaan, Mid buu la soo baxay Kadibna wuu qaniiney, Ma uusan awoodininuu liqo caqligiisii iyo diintisii ba u soo noqdey, wuxuu yiri " Acuudu billlaah, Ma anigoo Daalibul Cilmi ah oo waliba Masjidka degan Ayaan guryaha dadka u dhacayaa oo Xadayaa?.

Wuxuu sameeyey ayaa la waynaadey kadibna wuu istiqfaarsadey wuxuu ku celiyey Baadijaankii dhergii, kadibna wuxu ku soo noqdey meeshuu ka yimid, Sheekhii Darsiga bixinayey buu iska ag fadhiistey isagoo aan awoodin inuu maqlo waxa uu sheekhu sheegayo Gaajo awgeed.

Markii Darsigii dhamaadey ee ay dadkii kala dareereen, waxaa sheekhii u timid Haweeney is asturaysa Dumarkuna xiligaas Way asturnaayeen, Sheekhii bay la hadashey hadal uusan maqlin Ardaygu, kadibna sheekhii baa dhinicii ardayga soo jalleecay kaligiis buu arkey inuu ka joogo ardaydii, markaasuu u yeedhey wuxuu ku yiri" Reer Ma leedahay? Ardaygii wuxuu yiri Maya" Sheekhii wuxu ku yiri Guur ma doonaysaa? Kadibna wuu aamusey, Sheekhii ayaa mar labaad ku celiyey Guur ma doonaysaa? Markaasuu ardaygii ku yiri Yaa Sayidii Rooti waxaan siisto ma haysto Maxaan ku guursadaa?

Sheekhii wuxuu ku yiri Haweentani waxay ii sheegtey in ninkeedii uu dhintey Magaaladanna way ku cusubtahay, Cidna uma joogto aan ka ahayn Adeerkeed oo Wayn, wuuna la socdaa hadda, waxayna dhaxashey gurigii ninkeeda iyo macaashkiisi, waxayna rabtaa inay hesho nin ay ku guursato Sunada Rasuulka SCW, Si aysan u kaliyoon, oo aysan markaa u damaaciyin Dadka xun xun, ee Ma rabtaa inaad guursato?

Ardaygii wuxuu yiri Haaah, Haweentii buu waydiiyey wuxuu ku yiri Ninkaan adiguna ma rabtaa haween yahay? Waxay tiri haaah, Adeerkeed buu u yeedhey iyo laba markhaati, Meherkiina Sheekhii baa ka dhiibey wuxuuna ku yiri Qabso Ninkaaga, Kadibna gacantiisii bay qabsatey oo gurigeedii bay la aadey, Markey gurigii gashey Ayeey wayjigii iska faydey, Mise waaba Gabadh dhalin yaro ah oo Quruxbadan, Gurigii buu eegey Mise waa gurigii markii dhawayd Is lahaa Ka xad baadijaanka, Waxay ku tiri wax ma cunaysaa Markaasu yiri haah, Kijadii bay gashey waxay daboolka ka qaadey Dherigii waxay tiri Cajiib badanaa guriga ayaa soo galay maanta, Ardaygii waa ooyey Qisadiii buu uga sheekeeyey, waxay ku tiri tani waa Midhaha Amaanada waxaad ka dhawrsatey inaad cunto baadijaan xaaraam ah, ilaahay wuxuu ku siiyey gurigii dhammaa iyo gabadhii lahayd si xalaal ah

Qiso Cajiib ah: Gabar Alle ka cabsi badneyd.

Posted on April 28, 2013 at 6:00 AM Comments comments (1)

QISO CAJIIB AH.

Qisadan waa Mid ka mid ah Qisooyinka ugu Cajiibka badan, uguna soo Jiidashada badan oo ay qoreen Culumada Islaamka, ayaan Maanta idiin soo Bandhigeynaa. Qisadaan oo Run ahaantii noqon doonta mid Dareen Baaxad leh kugu Reeb...ta.

Gabar aad u Qurux badneed, Hanaan Wacana ilaahey ku Maneystay ayaa waxaa la Sheegay inuu aad uga Helay Nin ay meel isku Arkeen, Ninkii ayaana aad ula Yaabay Gabadhaan Quruxdeeda iyo Qaabka ilaah u Sameeyay.

Ninkaan ayaa isku dayay inuu Gabadhan Xiriir la Sameeyo, si uu ula Sheekeysto, balse marar badan ayey ku Gacan Seyrtay, Iyado ka diiday inuu Hadal la Furto. Ninkii ayaa Waddo walba u soo maray siduu mar uun ku Heli lahaa Gabdhaan. Balse Adoonta ilaahey ku Xiran, Quruxdana lagu Maneystay ayaa Go’aankeeda ku Adkeysatay, iyadoo Fursad dhan u Diiday inuu Ninkani usoo Dhawaado.

Ninkii ayaa Go’aansaday inuu Kufsado Gabadhan, oo uu Xoog wax uga Qaato, maadaama uu Xeelad wax uga waayey, wuxuuna Xoogay Gabadhii oo aan Raali ka aheyn, wax walbana Qasab ayuu uga Qaatay, Balse Arinka la yaabka leh ee Qalbigaaga Dhaqaajin doona ayaa ah Arinka ay Gabadhani ku Dhaqaaqday intii uu Ninkani Howshiisa watay.

Gabadhan ayaa Aragtay in Ninkani uu ka Xoog badiyay, wax ay sameyn kartaana aysan jirin, waxeyna ku Fikirtay waxa ugu Dhow ee Gacanteedu Gaarto iney soo Qabsato, balse Sheygii ugu Dhawaa ayaa Noqday Dab shidan oo meel Agteeda ah yaalay, Waxeyna Gacmaha la Gashay Dabkii ayadoo Gacmaheeda u Bareertay iney Gubto.

Ninkii ayaa Howshiisa Dhameystay, balse markuu ka Istaagay ayuu la Yaabay Ficilka ay Sameysay Gabadhu iyo Sababaha ku Dhaliyay iney is Gubto, waxuuna Weydiiyay Maxaa Sababay?

Waxeyna ugu Jawaabtay:- Markii aan Arkay inaad iga Awood Badisay, oo aanan Heynin Waddo kale oo aan isaga kaa Celiyo, waxaan Go’aansaday inaan Gacmaheyga Gubo, si aanan kuu Dareemin, Danbigana aanan Kuula Wadaagin.

Arinkan ayaa la Yaab iyo Dhakafaar ku noqday Ninkii, balse Ficilka ay Sameysay Gabadhani ayaa noqday tusaale Cajiib badan, Qalbiga Qofka Muslimka ahna Dhaqaajiya, ayadoo ay Haboon tahay in lagu Cibro qaato

Qiso Cajiib Ah. Cadeeyn in diinta Islaamka diinta xaqa tahay.

Posted on April 27, 2013 at 7:00 PM Comments comments (0)

Haweenay caan ah oo cir bixiyeen ah oo u dhalatay

dalka Maraykanka, asal ahaana ka soo jeeda dalka

India, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay soo

Islaamtay.

Gabadhan Cir biyeenka ah oo lagu magacaabo Sunita

Williams, kana tirsan NASA, ayaa daboolka ka qaaday

in go’aankan caaqiibada leh ee ay qaadatay in ay

gaadhay ka dib markii ay si dhab ah oo aan shaki ku

jirin ay u xaqiiqsatay in Diinta suuban ee Islaamku ay

tahay mid jiritaankeeda aanu wax madmadaw ahi saarnayn, oo ay tahay diinta kaliya ee ay ku jirto

liibaanta aduunyada iyo ta aakhiraba.

Cirbiyeenadani waxa ay ka dhawaajisay in

go’aankan mustaqbalka leh ay qaadatay isla markii

ay si nabadgelyo uga soo noqotay dhulka safar

dheer oo qaatay 197 maalmood oo ay ku tagtay dayaxa dushiisa iyada iyo Afar cir bixiyeen oo la

socday

Haweenaydan oo warbaahinta uga waramaysay

go’aankeedan ayaa tidhi “Ilaahaybaa mahad leh oo

khaatimada ii waafajiyay, markii aan dayaxa dul

joogay waxaan Telescope, waynayso ah ku soo eegay dhulka, oo dhamaantii midabkiisu madaw

ahaa, marka laga reebo Laba meelood (Dhibcood),

oo barakaysan oo mucjiso ahaa oo aad iyo aad u

nuurayay una iftiimaayay oo kala ahaa MAKKAH iyo

MADINA. Oo ku yaala dalka Saudi Arabia”.

Waxa kale oo ay tidhi “Maaha wax muran ku jiro Islaamnimadaydu, Markii aan dayaxa dul joogay

haba yaraatee, wax jabaq iyo cod ah maan maqlayn

marka laga reebo dhawaaqa codka EEDAANKA, lagu

adimo shanta salaadood ee ay waajibisay diinta

Islaamka”

Allahu akbar...........

qiso cajabin doonta hooyada AMA aabaha muslimka ah

Posted on April 27, 2013 at 2:20 PM Comments comments (0)

qiso ku cajabin doonta hooyada/aabaha muslimka

ah

BismiLLAAH alhamduLILAH  wa salatu wa salamu 3ala

rasuLILAH SCW.

... walaal waxaa jiray famil allah ku xeran mar walbana

Allah xusa si aad ahna ugu dhaqma diinteena

macaan

familkaas intas oo kaliya meesan aheen waxa intaas u sii dheeray waxeey ciyaalka bari jireen diinta sida

qur,aanka sunada nabiga scw iyo asxaabta ilaa

ilmaha mid walba oo ka mid ah uu jeclaado inuu

noqdo sida saxiibi asxaabta ka mid ah ilmahas

waxaa ka mid ahaa wiil yar da,diisa 7-8 sano jir

xaqiiqda Allah ayaa iga garanaayo wiilkaas yar waxuu ku dhashay wadan gaal waxuu wax la

bartaa ciyaal gaalo ah hadana wax walba wuukala

og yahay subhanAllah maalin maalmaha ka mid ah

ayaa waxaa ciyaalkii iskuulka dhan la wada

weeydinayey canug walba waxa uu jecel yahay

mustaqbalka inuu noqdo ilaa canugii danbe lasoo gaarey markii la weeydiiyey canugii yara waxuu yiri

anigu waxaan doonayaa mustaqbalka inaan noqdo

saxaabi macalimiintii weeyla yaabeen waxa uu

jecelyahay canugaan yar inuu noqdo mustaqbalka

ayagana eeysan garaneeynin macalimadiisi iyo

midkale oo doonaya ineey ogaadaan waxuu jecelyahay canugaan yar inuu noqdo ayaa soo

waday waxeey ula imaadeen waalidkii dhalay

waxeey weeydiyeen waxuu ka wado waxaa soo

dhaweeyey waalidkii waxeey ahayeen waalid allah

kheeir ku maneestay iyi diintiisa waxeey u sharxeen

marki hore islamka ka hor dadka sideey ahayeen ineey sidii xoolaha u bireeyn jireen gabdhaha iyo

dhibaatooyin kale oo fara badan ka dibna waxeey u

sheegeen saxaabiga uu sheegayo canugoodan yar

inuu ka mid yahay asxaabta nabiga scw nabigana

eey tahay in la rumeeyo lana jeclaado iyo asxaabtiisa

iyo inta xaqa rumeeysay oo dhan muslimiintana eey jecel yahiin nabiga scw iyo asxaabtiisa ee diinta

islamka soo gaarsiiyey umada muslimiinta maanta

joogto allahu akbar macalimadii iyo midkale ee la

socotoy waxeey wax badan dhageestaan misna

ooyaan waxeey halkii ku qabsadeen shahaadada

waxeey ogaadeen ineey yahiin kuwa xaqa ka lunsan ineey yahiin kuwo jahanamo sugeeyso

hadeean toobad keenin eesan allah swt rumeeynin

iyo diinta xaqa ah rasuulkiisana eeysan jeclaan iyo

asxaabtiisa Allaahu akbar canugaas iyo waalidkii

dhalay ayaa allah sawab uuga dhigay dadkaas ineey

islaamka qaataan islaamkana maaha inaa adiga kaligaa xijaab qadato aadan xataa qofka ku

weeydiiyo waxa aad u wadato xijaabkaan ween aad

u sharxi karin sida uu kugu waajibay waa muhiin

inaa diintena baranaa caruurteenana barnaa aan

isku difaaci karnaa dadkana wax uuga sheegi

karnaa walaal ku dadaal caruurtada sidaa u bari laheed diinta caruurta wanaagsan aduun iyo aakhiro

ayeey ku anfacayaan qofka waxa wax u tara xitaa

haduu dhinto waxaaa ka mid ah walad saalix ah

kusoo duceeyo allah kuu weeydiiyo jano inuu ku

geeyo walaal maanta caruurta wadamada gaalada la

keenay ama lagu dhalay diinta weey ku dhiban yahiin fahan keeda xitaa ma garanayaan allah waxa

laga wado faraqa u dhaxeeya muslim iyo gaalo

maanta caruurta qaar waxeey jecel yahiin ineey xitaa

isku magac noqdaan nin ama naag gaal ah oo laacib

ama fanaan iwm ineey u ekaadaan u libis ekaadaan

xitaa qaar kood hadaa weeydiisid waxeey ku leeyahiin waxaan doonayaa inaa noqdo sida

fanaankaas maxaa yeelay ma garanaayo waxuu

yahay iyo asiga faraqa u dhexeeyo caruurtada jano

waad ku heli hadaad hagaajiso naarna waad ku gali

kartaa hadaa dayacdo allah ayaa ka magan galnayee

maxaa yeelay qofka leeskama siin caruurta ilaa inaa lagu imtixaanayo sidaa u barbaarineeso sidaa diinta

u bareeyso sidaa ugu cadaalad faleeysid.Allah swt

ayaa weeydiisaneeynaa awlaada inuu noo hagajiyo

inuu nooga dhigo caruur lagu indho qawoob sado

caruurta Allah janada nooga baryo awlaada saalaxiin

Allaha nooga dhigo dhagarta gaalada iyo shayaadiintaba Allaha nooga xifdiyo intaan heesana

Allaha swt ha siiyo awlaad badan oo baariyaal ah

aduun iyo akhiraba anfacdo aamiin ya Allah.

QISO CAJIIB AH. BAAQULIGII DHOOBKA AHAA.

Posted on April 27, 2013 at 2:05 PM Comments comments (0)

Odey Duq ah ayaa wuxuu la Noolaay Wiilkiisa iyo
Gabar uu sodog u yahay iyo Cunug yar oo 4 jir ah uu
... Awoowe u ahaa. Odeyga waxuu ahaa Nin Da’diiso
ay aad u Weyneed, Gacmahiisana way jareenaayeen,
Araga Indhahiisaa aad bey u Liiteen. Tilaabadana
way dhibeesey, Markuu Cuntada cunaayana ama uu Cabaayo biyaha, inta badan waxuu ku daadin jirey
Miiska cuntada lagu cuno, awooda Gacmahiisa oo
aad u liita dartood, sidaa darted Wiilkiisa iyo Gabarta
uu sodoga u ahaa oo miiska kula cunteen jirey aad
bey u dhibsadeen Duqa.
“Waa inaa Xal keenaa oo Arintaan ka joojiinaa!” Wiilkiisii ayaa yiri.
Wiilkiisa iyo Gabadhuu sodoga u ahaa waxey u
diyaariyeen miis yar oo gooni loogu bixiyo
Cuntadiisa, si uusan u dhibin mar danbe, xili intooda
kalena ay ku Raaxeesanaayaan miiskii weynaa ee
Rashinka. sidoo kale markaana waxey u Hagaajiyeen Baaquli Dhoob ah si uusan mar kale u
jabinin Alaab danbe.
Markii ay Fiiriyaan Odeyga dhiniciisa, Mararka qaar
Indhahiisa waxa ka Muuqatey Murug, waxuuna
Dareemaayey in Gooni loo Takoorey.
Cunugii yaraa uu Awoowga u ahaa Xaalada oo dhan Indhaha ayuu ka Fiirinaayey, wax walbana wuu
Dareemaayey.
Habeen kii danbe iyadoo Cashada loo Fadhiyo ayaa
Wiilkii yaraa aad u Mashquulay isagoo Miis ka
Hoostiisa Alaab ku Ciyaaraaya, Aabihiis ayuu u
Weydiiyey si dagan oo yiri:- Aabo maxaa kugu Dhacey oo ku Mashquulsan tahey?. Wiilkii yaraa ayaa
ku jawaabey:- Aabo waxaan idiin Sameenaayaa
Adiga iyo Hooyadey Miis yar iyo Baaquli Dhoob ah si
aad ugu Cuntaan cuntada markaa Duqowdaan oo
Aniga aadan ii Dhibina! ”Cunugii yaraa oo Dhoola
Cadeenaaya ayaa dib ugu noqdey Hooshiisii. Subxanalaah. Ogow waalidkaaga waxaad ku
sameesid, ilamahaaga ayaa kaa jari doono!!

Qiso Jaceyl oo ku waano qaadasho mudan.

Posted on April 24, 2013 at 10:10 PM Comments comments (1)

Qeybta Koowaad.

Xanuunka Jaceylka Qurbaha

 

Faiza waa gabar somaliyeed. Waxeey ku dhalatay somalia, Intaa kadib Faiza reerkeedi waxeey qaxooti ku noqdeen kenya. Faiza Waxeey ku noleed mudo qaxootiga kenya. Faiza markeey jirtay 18sano waxaa loo sameyay kaar (kaararka lagu dhoofo) oo ayada u gooni ah, waxaase laga saaray kaarka ehelkeedi eey kula jirtay. Walalaheedii waxeey adeen Yurub. Mudo yar kadib Faiza waxeey usoo dhooftay Marekanka, gobol somalidu eey ku yartahay. Markeey mudo yar marekanka joogtay baa Faiza waxaa ka helay wiil magaciisa la yiraahdo Feysal. Faiza waxeey aheyd gabar dheer, cas , qosol qurxoon leh, diin iyo dabeecadba Alle u dhameyay. Faiza Alle wuxuu siyay akhlaaq iyo dabecada wanaagsan, wiilkii arkaaba wuxuu ku qancayay adabteeda iyo diinteeda. Sidoo kale Feysal wuxuu ahaa wiil Jamacad dhameyay, wuxuuna heestay shaqo wanaagsan. Sidoo kale wuxuu ahaa wiil fur furan ehelkiisana u wanaagsanaa. Feysal muda badan baa waxa uu eegayay gabar qancisa, ilaa heer uu go'ansaday in uu wadamo kale u doonto gabar. Balse nasiib wanaag Feysal marka uu arkay Faiza wuxuu la dhacay degnashaheeda iyo quruxdeeda. Feysal si wanagsan buu waxa uga codsaday Faiza in uu la shekeeysto ayudana ma eysan diidin oo wey ogolaatay codsigiisii. Faiza xilgaa waxa eey la degneyd qoys eey isku barteen kenya. Hase yeshee Feysal baa waxa uu u qaatay faiza in eey qoyskaa ka dhalatay. Faiza marna uma eysan shegin Feysal ehelkeeda iyo qabiikeedi maxaa yeelay faiza waxa eey ka dhalatay qabiil la heebsooco. Intaa kadib Feysal gabadhii aad buu u jeclaaday. Ilaa heer wuxuu gaaray in uu seexan waayo asigoon codkeedi maqlin. Feysal mar walba uu tukado waxa uu ku duceyn jiray Faiza, Allena waxa uu ka barin jiray in u calaf ugu daro. Sidoo kale wuxuu u gadi jiray hadiyado, hadiyadaha u ugaday waxaa ka mid ahaa Toyota Camry iyo silsilad dahab oo uga dalbay Dubai. Feysal mar walba waxa donayay inuu arko farxadeeda iyo qosolkeeda. Wuxuu Faiza ka ilaalin jiray in eey marna murugooto maxaa yeelay jeceylka uu u qabay baa aad weynaa.( Alle jaceyl Xanuun badanaa).Hadey xanuunsato ma uusan sexan jirin ilaa u ka hubsado xaladeeda. Sidoo kale Faiza weey jeclaatay Feysal, Jaceylkeedu wuxuu ahaa Jaceyl xad dhaf ah oo waligeed aan so marin. Maxaa yeelay Feysal waxa u ahaa wiil darensiyay naxriis kalgaceel, sidoo kale waxa uu tusay kalsooni weyn. Faiza baahida reerkedi waxaa tiray Feysal maxa yeelay waqti walba iyo wax walba eey u baahato Feysal beey ka heli jirtay. Intaa kadib Feysal baa waxa u codsaday in uu Faizo guursado. Faiza baa arintii waxeey ku noqtay lama filaan, kadib baa waxeey dhahday waqti aan uga soo fikiro isii. Maalmo kadib waxa eey ku fikirtay in eey u sheegto ehelka eey kasoo jeedo inta eeysan ogalaan guurkiisa ka hor, balse jaceylkeedi baa ka tan badiyay. Intaa kadib Faiza waxa eey go'aansatay in eeysan u sheegin qabiilkeedi iyadoo ka carareyso in uu dhaawac soo gaaro jaceylkoodii. Feysal mar walba waxa uu kula kaftami jiray qabiilka uu u qaatay in eey tahay Faiza. Qalbiilkaas waxa ahaa qoyskii eey la deganeyd, ee ayadu ma eeysan aheyn.

 

Qeybta Labaad.

Maalmaha Aduun Midba waa Ceyn

 

Faiza aad beey uga fikirtay go’aanka eey ka gaari laheyd guurka uu faisal usoo ban dhigay. Waxeey tukatay istiqaaro, Rabigeed waxa eey weydisatay guurka huduu kheir u yahay in uu u sahlo, hadusan u aheyna in uu rabbi ka leexiyo. Feysal ma uusan ka daalin in u weydiyo go aanka eey qadatay. Faiza ma eeysan laheyn qof saxib ah oo eey la tashato, Alle kaliya beey u dhibatay arinteeda. Faiza waxa eey xasuusa neysay dar daaranka aabaheed oo ahaa, “Aabe guurso qof kugu raaco diintaada iyo akhlaaqdada, marna ha guursan qof danenaayo qabiil amaba qurux”. Dar daranka aabaheed aad beey uga fikirtay mana jecleyn in ehelkeeda sameyeso go’aan eey qadatay darteed. Intaa kadib Faiza malin khamiis ah, waxeey soo toostay subax hore, waxeey dukatay salad subax, waxeeysa aqrisatay qur’aan iyo adkaar, kadibna waxey go’aansatay in eey aqbasho guurka Feysal. Waxeey wacday feysal waxeyna u sheegtay in eey aqbashay arinta u usoo bandhigay. Feysal aad buu u farxay maxaa yeelay wuxuu ka wal walayay in uu waayo gabdhaan wanaagsan. Intaa kadib waxa eey ka wada hadleen gurkoodii iyo sida uu ula xiriiri lahaa ehelkeeda. Faiza waxeey u sheegtay in uu Feysal la hadlo aabaheed oo xiligaa ku sugnaa Garisa. Feysal wuxuu la xariiray abaheed. Feysal baa abihii uu ula hadlay si wanaagsan, wuxuuna u sheegay xaladiisa iyo heerka wax barashadiisa. Aabihii wuu ku qancay hadalkii Feysal wuxuuna dhahay, hadey gabadheedi ku ogolaatay anigana waan ku siin, lakin wilkeeygiyoow gabadheeda waa kaligeed marna ha dayicin oo qadari sida aan kuu soo dhaweyay. Feysal baa dhahay aabe waa igu balan oo ma dayaci doono. Faiza iyo Feysal waxey go’aan sadeen guurkoodi in uu dhaco 3 bil kadib. Intaa kadib Faiza waxey u dhaxeysay guriga iyo masaajidka. Faiza ma eeysan la hadli jirin qofna maxaa yeelay waxa eey aheyd gabar xishood badan. Faiza ma eeysan dalban aroos weyn maxaa yelay ehelkeedi baa meesha ku yaraa. Intii mudadaa lagu jiray, Feysal waxa uu isu diyaariyay guur. Waxa uu dalbaday alaab fican, waxa u kireestay guri weyn. Feysal reerkisa buu arintii la socodsiyay, weyna ugu duceyeen. Intaa kadib Feysal waxa uu yarad u diray Faiza aabaheed. Abihii aad buu ugu qancay yaradkii laga siyay gabadhiisa. Abihii gabadha walayadeeda waxa uu dhibay sheikh' sidaasina ayuu sheikhii ku mehriyay. Meherkoodi waxaa kasoo qeyb galay dad badan oo waloo wada duceyay. Faiza iyo Feysal waxa eey galeen nolol raxmad badan oo midkood midka kale ku qancay. Feysal jeceylkiisa in uu ziyaado ma ahee ma uusan nusqaamin. Faiza waxeey ku dadaleeysay in eey aadiicdo ninkeeda. Had iyo ajeer waxa eey ka shaqeneysay farxada qoyska. Waxa eey noqdeen lawa qof tusaale loo soo qaato sida eey isu jecelyihiin. Muda kadib faiza iyo feysal Alle wuxuu siyay 3 wii iyo 1 gabar. Caruur qurxoon oo caafimaad qaba. Caruurtoodi aad beey u jaclayeen. Faiza caruurtedii beey uga hartay wax barasho iyo shaqo. Faisal na waxa uu noqday aabe wanaagsan oo kaafiya bahidooda. Faiza waxeey ku dadaashay tarbiyada caruurteda. Sidoo kale feysal waxa uu aad uga qeyb qaatay tarbiyada caruurtisa (Waxa eey noqdeen qoys lagu deydo). Faisal mar walba uu waqti helo qoyskiisa bu farxada ula wadaagi jiray. Inteey wada nolayeen waligood waxba isku ma qaban oo waxaa ka dhaxeyay xishmad iyo wanaag.Intaa kadib waxaa xafadoodi soo degay gabdho Somaliyeed oo qaraaba la ah feysal. Gabdhihii waxey sheeko wadageen Faiza. Waxeey ka wareEsteen ehelkedii iyo qabiilkeeda (Ileen somali qabyaalad kama dhamatee). Intaa kadib faiza ba arintii waxeey la noqtay lama filaan maxa yeelay ma eysan ka filaneyn su alaha ey weydinayaan. Waxa eey ku jawaabto ayeey garan weyday. Gabdhihi waxa eey galeen baritan oo waxa eey radiyeen sida eey u ogaan lahayeen qabilkeeda iyo ehelkeeda. toloow yaa u dirsday arintaa, maxeeysa ka radinayaan qabiilkeedi.

 

Qeybta Sadexaad.

Bur-burkii Qoyskii Quruxda Badnaa

 

Gabdhihii xafada soo degay mudo badan waxeey ku maqnayeen baritankii Faiza iyo qabiilka eey ka dhalatay. Baritaan dheer kadib, Gabdhihii waxeey soo ogadeen In eey Faiza ka dhalatay qabiilada Somalidu eey heybsocaan. Sidoo kale waxeey isugu warameen in Faiza eey qiyameeysay Feysal. Iyagoon ogeyn sida wanaagsan oo eey isu guursadeen iyo jaceylka weyn oo ka dhaxeya. Gabdhihii waxeey ka masereen sida lamanahaan eey isu jecelyihiin. Gabdhihii gabar ka mid ah, oo markaa qaraabo sokeeye la ah Feysal aad beey uga xumaatay arintii, waxeeysa dhahday “Sidee Ina Adeerkey ku qabi karaa gabar la heybsooco” Aqristoow maxeey kula tahay hadeey Faiza ahaan laheyd gabar cadaan ah’ miyaa la heeybsooci lahaa, mise la raadin lahaa qabiilkeeda? Gabadhii waxeey arintii gaarsiisay qoyskii uu Feysal ka dhashay oo markaa ku nolaa UK iyo Canada. Qoyskii baa arintii la yaabay, waxey ku noqotay, fajac, waxeeysa dhaheen sideese ku suurtoobi kartaa arintaan. Waxeey dhaheen arintaan waxaan u maleneynaa in eey tahay been abuur. Balse gabadhii reerka dumineysay baa waxey dhahday, arintaan waa xaqiiq, oo waxaan barayay mudo dheer. Waxaana la Ii sheegay in gaabadhani eey tahay reerkaa la heeybsooco, ehelkeedina sifican loo yaqaan. Qoyskii ayagoo fajacsan baa waxeey dhaheen, Gabadhani miyeey sixirtay Feysal, waxeeysa dhaheen Feysal lagama yaabo in uu guursado qabilkaa asagoo og. Qoyskii waxeey so waceen Feysal, waxeey dhaheen, Gabdhaa guursatayn mataqanaa Qabiilkeeda? Feysal waxa uu ku jawabay haah waan garanayaa oo gabadhani waa reer hebel. (Feysal waxuu wali u hestaa gabadhan in eey ka dhalatay qoyski eey la degeneyd markuu baranayay, sidaan hore ugu xusnay shekadan qeybtedii 1-aad). Xaqiiqdi Feysal marka uu guursanayay gabadhaan waxaa indho tiray quruxdeedi iyo adaabtedi. Jaceeyl baa saaqay oo hami weyn ma uusan gilin ogaanshaha qabiilkeedi. Feysal wuxuu ahaa nin qurbaha joogay mudo, oo waxa uu yimid asagoo yar. Kadib Qoyskii ba dhaheen, war gabadhaa guursatay waxeey ka dhalatay qabiil laheybsooco. Miyaad walatay Feysaloow. Feysal baa dhahay, waxaad shegeysaan suurta gal ma ahan. Waxeey dhaheen bal adiga wareeyso xaaskaagii. Feysal guriisa marka uu aaday kadib, waxa uu yeeray Faiza waxuusa dhahay, Faiza waxaan maqlay in aadan aheyn qabiilkii aan kugu bartay oo aad tahay qabiil laheybsooco. Faiza weey naxday, hadalkii baa ku dhegay, markiiba waxeey ogaatay in gabdhihi deriska la ahaa eey Feysal u warameen. Kadib baa waxeey dhahday, “Hadii aad qabiil igu guursatay, anigu qabiil eey Somalidu heeybsocaan baan ka dhashay, Balse hadii aad Jaceyl igu guursatay waxaan ahay Faiza dii aad shaley jeceyld”. Feysal baa fajacay wuxuu xasuustay hadalkii eey qoyskisii eey ku lahayeen in uu run yahay. Intaa kadib Feysal talaa ku cadaatay, fakar buu bilaabay. Faiza na weey calool xumaatay oo weey ilmeeysay ilaa indhaheedu casaan noqdeen, oo hadal baa kasoo bixi waayay. Weey isku yar- yaraatey, waxaa qalbigeedi kusoo noq noqday dardarankii abaheed.

 

Qeybta Afaraad.

Jaceylkii Sidaa Buu Ku Danbeeyay.

Feysal waxa uu bilaabay in uu hadal la qeybsan waayo Faiza. Mar walba wa uu fikiraa, farxadii iyo reyn-reyn tii guriga waxeey isu bedeshay mugdi iyo amusnaan. Faiza wax xal ah gacan kuma eeysan heeyn, waxeey go’aan satay in eey Faisal ka sugto waxii xal ah oo eey ku wada noolaan lahayen. Feysal waxa uu la xariiray qosykisii asigoo leh, waad run shegteen oo gabadhaan qabay ma ahan reerka aan mooday. Waxa eey ku jawabeen’ reerkaa isma geyno, gabdhaheynana ha ceybeyn. Adeerkiis oo nin weyn ahaa, dhaqanka somalida aad u kala yaqaan baa yiri, hadii nin oo u bareero arin falkaan oo kale ah, oo noqoto in uu guursado gabar la heybsooco wa aan ka samri jirnay oo waxa aan kasoo qadin jirnay nin aan xabaalnay. Sidoo kale waxa uu dhahay adeer sooma ogid magaca aad hugantahay sharafta uu leeyahay. Ma gabar aad geeydo baad weeyday marka aad guursaneyso gabar aadan geyn. Adeer maxaad nolosha isugu xabaaleysaa. Feysal asigoon is ogeyn baa ilmo ka daadatay. Adeerkii waxa kale uu yiri, ma waxaad doneysaa in dadku eey nala hadli wayaan oo la guursan waayo gabadhaheena. Ileen ceyb looma dhinto, war maxaa ku helay adeeroow. Gabadhan fur waa hadii aad doneysid in aad sharafteena iyo sumacadeena kor u qaado. Feysal hadal ma uusan oran qaracan aawgeed. Intaa kadib Feysal aad buu u cishooday. Sawir uu la sawirnaa Faiza oo marka wallet-ka ku siday buu lasoo baxay oo je-jeexay. Muda yar kadib Feysal waxaa soo wacday gabadhii deriska la aheyd oo dumineysay reerka quruxda badnaa. Waxeey ku tiri gabadha aad qabto wa eey ku qiyaameysey. Jaceylkeedi haduu run ahaa ma eeysan kaa qarin laheyn qabiilkeda. Waxa eey rabtay kaliya waa hantidaada,yaa guursadda gabdhaan oo kale, waxey ogeyd in aa tahay nin wax bartay oo ka dhashay reer ladan. Inta eey goor hore tahay oo dadku aqlin ina adeer gabadhan isaga tag oo ka fogoow. Intaa kadib Feysal cilkii iyo caradii waxa uu kula dhacay Faiza asigoo leh qabilkaaga waxaad iiga qarisay in aad aniga I hesho aawgeed. Faiza waxa eey ku dhahday ma aanan ogeyn in aad tahay qabileyste(Qof qabiil ka danbeya). Feysal baa caradii ku weynatay waxa uu bilaabay in uu gacan u qaado Faiza. Wuu garaacay, waxa uu jibiyay kalxanta. Faiza weey xanuunsatay , waxeey u wacday Police. Poliskii baa yimid, waxeey isku dayeen in eey feysal eey qabtaan. Feysal aad buu qeyliyay, asigoo ku cel celinayo ma garaneysaan gabadhaan waxa eey igu sameysay. Feysal waxa uu isku deyay in uu ka fakado poliiska asigo isticmalaayo xoog, balse poliski baa si xoog ah u qabteen oo wa eey xir xireen. Feysal waxa lo kaxeeyay xabsiga.

Qeybta Shanaad

Jaceylkii ma Mugdi buu isku Bedelay?

Habeenkaa waxeey aheyd habeen mugdi ah oo taarikh ku leh Nolasha Faiza. Feysal waxaa uu hoydey Xabsiga dhexee. Faiza waxaa la seexiyey Cisbitaal. Caruurtii waxa eey la seexdeen gabadhii dariska la aheyd, will yar uu feysal dhaley baa gabdha waxa uu ku yiri HABARYAR waan gaajoonayaa? Inta eey si caro leh ula hadashey bey tiri, waryaa aniguu habaryartaa ma ahi! ee mar dambe ha igu oran habar-yar iyadoo qeylineysa. Wilka yaraa wa uu iska amuusay’ wa uu garan waayey waxa uu ka sameyay habaryarti, -War la iskuma hayo, Gabdha qabilkeeda beey difaaceysaa-.Habeenkaas Faiza hurdo waa ka soo go’i weydey, aad bey u wal-washey, fikir aad uu dheer bey gasheey, Ilaa markii danbe gabar nurse ka ah cisbitaalka eey ku tiri, wax walba okey bey noqonyaan ee ha wal-welin iyadoo dhoolo cadeyneysa, War la iskuma hayo, Faiza waxaa mar walba Qalbigeeda ku dhacayey dar-daranki Aabaheed oo ahaa Aabo iska ilaali Ajiida ( Ajii oo macnaheedu yahay dadka wax heybsoca) si kasta Arintu ha ahaate fikirkeeda waxa u dheraa caruurteeda oo aad uu jecleyd. Wel wel noolaleed beey gashay. Su,aalo badan ayeey nafteyda weydineysay. Su’alaha eey is weydineysay waxaa ka mid ahaa; Noloshaada sidee noqon dontaa, yaase wehel ku noqonaayo. Caruurteyda sideesa kaligeey u bar-bariyaa. Waxey kale oo laheyd Allow imtixaanka aduun I fududeey. Faizo Cisbitaalki waa laga soo saary , gurigeedi baa lagu celiyey iydoo laga kabey kalxanta iyo gacanta oo jabaneyd. Faiza markii eey guriga ku laabatey waxey eey ka war heshay caruurteedii oo dayacan, dugsi iyo skool midna eeynan aadin. Waxaa arintii ka war heley Faiza walalkeed oo London ku noola, waxa uu uu soo direy lacag kaafisay Faiza iyo caruurteda. Feysal laftisu xanuun badan buu qalbiga ka dareemayay; waxaa helay taah iyo wal-bahaar. Wuxuu naftiisa weydiyey xagee wax ka qabtaa, maxaan sameyaa oo caruurteydii sidaan ula nooladaa? Faiza sideey ii arki doontaa,? Maalmo kadib qoyskii uu ka dhashey baa lowyar uu qabtey dacwadiisa baa bilabatey. Reerka arinkoodi Magaalada oo dhan baa ka war heshey, waxey noqdeen in shaaha lagu cabo. Maalintii danbe Faiza waxaa soo boqdey Imaamka masjidka xaafadda oo u sharaxey diinta iyo waxey ka qabto dadka heybsoca. Waxa uu ka samir siyey wixii ku dhacey. wuxuu yiri adeer wixii kugu dhacay waa wax xaga Rabbi ka qornaa. Allena ma moogna xaq darada laguugu sameyay. Alle adoomadiisa wa uu imtixaanaa, Allena waxa uu jecelyahay adoonka ku sabra imtixaankiisa. Noqo gabar sabarta oo waxii kugu dhacey Alle dartii u iloow. Sidoo kale Alle xagii waxaan kaaga rajenayaa bedel kheir khaba. Intaa kadib Feysal waxa lasoo saaray maxkamad.

-Qeybtii 6-aad-

Shalaay Ma Horeyee Waa Danbeyaa

Feysal intuu xabsiga ku jiray, aad buu u ba ba’ay. Aragiisu waxa uu noqday mugdi, Isbedel weyn baa ku dhacay, waxa uu noqday madluum aan hadlin. Waxa uu ka go’ay cuntadii, aad buu u catoobay, heer dadkii eey garan wayeen muqaalkiisa. Feysal Maxkamad baa lasoo saaray. Qoyskii uu ka dhashay baa lacag badan ku bixiyay lowyar aad qaali u ah, si looga ...qafiifiyo danbiga uu galay. Qoyskii baa Faiza waxa eey ka codsadeen in eey Feysal samaaxdo oo iska cafiso. Sidoo kale maxkamada eeysan tagin. Faiza weey ka aqbashay codsigii qoyska usoo bandhigeen, maxaa yeelay waxa eey aheyd gabar taqaan rabigeed iyadoo qadrineysa caruurteda abahood. Hasa yeshee waxa eey ka codsatay in Feysal uusan usoo dhawaan. Halkaa markeey arintu mareyso, lowyarkii Feysal loo qabtay oo ahaa nin aad u caqli badan baa waxa uu ka shaqeeyay sida Feysal looga qafiifin lahaa danbigiisa. Dadaal badan kadib maxkamadii waxa eey go’aamisay in Feysal lagu xukumo 1 sano oo xarig iyo 3 sano oo la eegayay dhaqankiisa(probation). Sidoo kale in uu ka dheeraado Faiza iyo carurteeda xad dhan 100 meter. Hadii lagu arko agagaarkeeda xabsiga loo taxaabi doono su’aal la’aan. Feysal waxa uu dhamestay 1 sano oo xarig ah, oo aad u rafaad badan. 1kii Sano uu xernaaa Feysal wax xariir ah ma uusan la yeelan Faiza iyo caruurtiisa. Feysal markii uu xabsiga kasoo baxay kadib, waxa uu wareegay gobol kale o aanan aheyn gobolki Faiza eey ku nooleyd. Ayaan mar ka uu nastay waxa uu isku deyay in uu xariir la sameyo caruurtiisa iyo Faiza. Feysal waxuu wacay Faiza, hase yeshee Faiza marki eey maqashay codkiisa, Telefonka wa uu ka dhacay iyadoo dareemeyso xanuun gudaha qalbiga ah, wadnaha gariiray oo dhidid baa ka yimid, talefoonka wa eey ku damisay.{Nin aduunyo jogoow maxaa aragti ku laaban} waxeey is tiri oo muxuu iga soo wacayaa, wa ninkii sidaan ogaa ii galay. Markiiba waxeey la xariirtay qoladii talefoonka si eey u bedelato talefon numberkeeda. Feysal wa uu dereemay in Faiza eey wali iloobin waxa uu ku sameyay. Waxa uu is weydiyay side u raali gelisaa Faiza. Feysal wuu murugooday wuuna wel welay. Qof markaa rintaan qibrad u leh oo la tashto ma uusan helin. Feysal noloshii baa cariiri ku noqotay hurdo la’aan iyo nasasho la’aan. Feysal qalbigiisa mar walba waxaa kusoo dhacayay caruurtiisa iyo faiza aad, buu u shalaayey isagoo mar walba donayay in uu wanagii iyo walaalnimadii Faiza soo celiyo. Balse qalbi jabay sidee lo so celiyaa. Feysal waxa uu ogaaday in Faiza talefonka eey ka bedelata. Markaas kadib waxa uu direy ergo si uu ula hadlo kaliya. Ergadii baa Faiza u tagtay.

Qeybtii 7-aad

Waxaad Fasho wey Ku sameyaan

Feysal dadkii ka socday waxa eey u yimadeen Faiza. Sidoo kale Faiza aad beey usoo dhaweysay si waji furan. Wada hadalo iyo sheeko kadib, waxeey soo bandhigeen codsigii eey ka wadeen Feysal. Faiza waxaa ku adkaatey in eey jawaab ka siiso codsigoodi. Si kasta ha ahaato waxey ku tiri insha allah waqti isiiya sii aan uga fikiro Jawaabta. Ergadii wey aqbleen... go,aankii Faiza, waxaa la is dhafsadey telephone number si marki eey jawaab hesho ula soo xariirto. Intaa kadib Faiza waxey gashey in eey ka fakareyso waxa eey ka sameyn laheyd arintaan aadka u xanuunka badana iyo go,aan eey ka gaari laheyd. Faiza waxa eey la tashatay walaalkeed ka weyn. Walaalkii wuxuu ugu jawaabey in ey ka dheeraato ninkaas ilaa uu dhiigeedi meel saaro oo dhiibkii gaarey laga gogol fadhiisto. Faiza wey qaataday hadalka walaalkeed wa eeyna ku qanacday. Faiza waxa eey wacday ergadii waxeyna u sheegtay in uu Feysal la xariiri karo caruurtiisa, balse iyadu uu siiyo amaan balaaran, wax xariir ahna uusan la yeelan, Ilaa laga wada hadlo dhibkii iyada gaaray. Halkaas waxa ku biloowday xariir ka dhaxeya Feysal iyo caruurtisa. Feysal waxa u la Hadley curadkiisa Anas. Feysal iyo wiilkiisa Anas aad beey isugu ooyeen hiloow dartiis. Malintaas wax aheyd lawadii sano lasoo dhafay malinti ugu farxada badneyd Feysal noloshiisa. Feysal waxa uu ka wareestay ciyaalka kale iyo noloshoodi sida eey tahay. Anas waxa uu u shegay in eey walalihiis aad u wanagsanyihiin, waxa kaliya eey u xiseen tahay in eey Aabahood arkaan. Anas waxa uu bilaabay in uu hoyadiis mar walba ka codsanayo in uu arko aabihiis. Wuxuu mar walba dhahaa aabe goormu imanayaa, Faiza waxeey jawaabteda aheyd aabahaa maxaad uga baahantahay wax walba anigaa idin semeyee. Feysal waxa uu la xariiray adeerkiis oo ahaa nin aad dhaqanka ugu adag. Waxa u usoo bandhigay jawabti eey ergadu usoo direen oo aheeyd in Feysal qoyskiis fadhi la yeshaan Faiza ehelkeeda. Adeerki waxa uu ku jawaabay, war ma nin waalan baa tahay, Sideen anigu u hor fariistaa reer hebel. Ma waxaad doneysaa in aan gabar kaaga doono reerkaas (Adeerka wuxuu iskala wenyahay gabadha qoyskeda in uu hor fariisto). Sidoo kale adeerkii waxa uu yiri, anagu waxaan dhaqan u leenahay ma ahan arinkaan, waxaad codsaneysidna ma ahan wax midkeen sameen kara. War hadaa doneysid Gabdh anigaa Gabadh nasab ah ku gurinaayo. Feysal wa uu isaga aamusay asaga oo aan wax talo ah gacan ku heyn. Xalka kaliya uu Feysal hayay waxa u ahaa in uu Faiza cafis weydisto.

**DHAMAAD**



 

Sideen Allaah uuga baqnaa, uugana cabsanaa?

Posted on February 25, 2013 at 1:55 AM Comments comments (0)

Allaah ka cabsigu waa darajo aad u sareysa oo aanu gaadhi karin qofka ku dheehan xumaanta kana fog wanaagu, sidaa daraadeed ayeynu soo sheegney iney tahay ( Allaah oo wuxuu ku faray la fuliyo, macaasidiisana laga dheeraado, xuduudiisana lagu eekaado).

Waxaynuse u baahan nahay ineynu sharax ka bixinno dariiqa lagu gaari karo darajadaasi oo runtii u baahan dadaal iyo u soo diyaargarow buuxda.

Hadduu qofku ogaado sharafta taqwada iyo heerka ay gaarsiisan tahay waxa la gudboon inuu is weydiiyo; sidaan ku gaarayaa darajada taqwada?.Arrinkaasi waxa uga jawaabaya Imaamka tarbiyadda Quluubta ee Al-Qazali oo yiri ( Waxa uu ku jiraa wanaaga Naftu inaad isu taagto una diiddo macsiyo kasta, kana ilaaliso waxaan faa'iido ugu jirin haddaad sidaa sameyso Allaah waad ka baqatey, Ishaada , dhegtaada, carabkaaga, qalbigaaga, calooshaada, xubintaada taranka, iyo xubnahaaga kaleba waad dhawrtey waxaanad ku xakameysey taqwada alle. Sidaa awgeed baabkanu waa mid dheer sharaxiisu, waxaana odhaahdeedu lagama maarmaan tahay Ninkii doonaya inuu Allaah ka cabsado ha dhawro xubnahan shanta ah oo ah seeskiisa, waana ( Isha, dhegaha, carabka, qalbiga iyo caloosha) Haddii la ilaaliyo xubnahan waxa xaqiiqo ah in intooda kalena toosayaan, waxaanu gudanayaa taqwada iyo Allaah ka cabsiga dhammaantii).Manhajka caabudayaasha ee Sheekh Qasaali/ 76-77.

Hadalkan Sheekha Qasaali (R.C) waxa ka imaneysa su'aal kale oo oraneysa; sidaan xubnahaygan shanta ah uga dhawraa macsiyada "Danbiga"uguna hogaamiyaa daacada Allaah?.

Mawduuca dhuuxiisu waa halkan oo ah xubnahan qofka siduu u hoggaamin lahaa oo haddey hagaagaan ah hagaagga qofka iyo liibaantiisa ifkan iyo aakhiraba, kuwaas oo ka kooban shantaasi xubnood, waana kuwaa xukuma xubnaha qofka intooda kale, waxaynu si kooban ugaga jawaabi doonnaa shan qodob oo Ruuxii raacaa uu kaga magan galayo xubnahan sharkooda, khayrkoodana helayo, cibaadadoodana gudanayo;-

1- Inuu qofku ilaahay jeclaado.

2- Inuu qofku qalbigiisa dareensiiyo inuu allaah daalacanayo kana xishooda Alle xishood xaqiiqo ah.

3- Inuu ogaado ama is dareensiiyo dhibaatada ay leedahay macaasidu iyo danbigu.

4- Inuu barto iskuna dayo siduu qofku hawadiisa uga xoog badin lahaa, naftiisana uga guulaysan lahaa.

5- iyo inaad ogaatid meelaha shaydaanku inaga soo galayo, sidoo kalana ka digtoonaatid tashwiishkiisa.

Taasi waa qodobada lagu ilaalin karo xubnahaasi shanta ah oo darsiga aynu ku soo qaadan doonno mid ka mida .

JACAYLKA IYO KALGACAYLKA ILAAHAY

Imaamka ibnul-qayim wuxuu leeyahay (Jacaylku waa geed qalbiga ku yaalla, xidhiidhkiisuna waa is hoosdhigga cidda la jeclaado, jiridiisuna waa barashadiisa, laamahiisuna waa kacabsashadiisa, caleemihiisuna waa ka xishoodkiisa, midhihiisuna waa adeeciddiisa, waxa geedkaas lagu waraabiyaa waa xuskiisa. Haddaba, haddii jecaylka mid ka mida intaasu ka maqnaato waa kala dhiman yahay) Beerta kuwa Allaah jecel/409.

Waxa kale oo Caalimka Ibnu Rajab yiri: (Ilaahay jacaylkiisu waa laba darajo, midi waa farac waajib ah " waana inaad jeclaatid Allaah jacayl keensanaya inaad jeclaatid waxa uu waajibka ka dhigay, necbaatidna waxa uu xarimey, inaad jeclaatid Rasulkiisa uu fariinta innoogu soo dhiibey, kana hor marisid jeclaantiisa nafta iyo ehelkaba, jeclaatidna diinka uu inoo keeney, kana raali ahaatid isuna dhiibtid sharciga, sidoo kalana inaad jeclaatid Anbiyada iyo kuwii raacay jidkooda, waana inaad u cadhooto Gaalada "iyo danbiilayaasha", Allaah dartiina ula coleytantid.

Taasi waa inta lagama maarmaanka ah ee jacaylka imaanka dhameys tiraya, qofkii mid ka mida ka tagaana imaankiisu naaqis yahay "hooseeyo" sida uu Ilaahay sheegey ee uu yidhi:

(( Rabbigaa ayaan ku dhaartaye: kuma rumeynayaan illaa ay kaa xukun yeeshaan waxay isku qabtaan, dabdeedna aaney Naftoodu kahan waxaad ku xukmisey, isna dhiibaan is dhiibitaan)) nisaa/65.

Darajada labaad, waa darajada ciidamada Allaah xagiisa u dheereeyey una dhawaadey, lana soo dhaweeyey waana " inuu jacayku gaadho inla jeclaado waxa uu jecel yahay ka la jecel yahay, oo sunayaashu ka mid yihiin, lana karaahiyeysto waxa uu karaahiyeystey ka la jecel yahay, lagana raali noqdo xukunkiisa iyo qaddartiisa haba dhibto nafta amaba masiibo ha ahaatee". Waxaana taas ku tusinaya xaddiiskii uu Allaah ku sheegey kuna yidhi:

(( Qofka iga colaadiya Wali waxaan ogeysiyey dagaal, addoonkayguna iiguma soo dhawaado shay xaggayga loogaga kalkacayl badan yahay waxaan ku faral yeelay, kamana suulo adoonkaygu inuu iigu soo dhawaado sunayaasha, ilaa aan jeclaado)).

labadaasi derajo ee jacaylku waxaynu raacin doonaa wasiilooyinka "Dariiqa"lagu gaaro jacaylkaasi oo ay ka mid tahay:

1- Inaad Qur'aanka u akhrisid si deggen oo fahal leh.

2- inaad Allaah ugu dhawaatid sunayaasha faralka dabadeed, ha ahaato qaar salaado ah ama soon ,sadaqo ama cimro, iwm.

3- Inaad xuska Ilaahay caado ka dhigatid, carrabkaagana bartid odhaahda xuska Ilaahay mar walba.Iyada oo ay xaalad kasta oo aynu qabanno ku timid adkaar iyo Dikri la sunneeyey in la yiraahdo.

4- Inaad daacadda Allaah ka hor marisid naftaadu waxay jeceshahay.

5- Inaad Ilaahay magacyadiisa baratid tilmaamihiisana dhuuxdid.

6- Inaad xasuusatid nimcooyinkiisa faraha badan iyo waxa uu kuu sakhirey ee dhinac walba leh si aad u jeclaatid.

7- Inaad waqtiyada qalbigu soo jeedo Allaah u noqatid, waxna waydiisatid, xaggiisana u iilatid.

8- Inaad dadka wanaagsan la fadhiisatid, hadalkooda wanaagsanna dhageysatid, meelaha xuska Allaah lagu hayana inaadan ka daalin.

9- Inaad ka dheeraato waxa qalbigaaga ka mashquulinaya xuska Ilaahay ee shahwada iyo shubuhaadku ugu horreeyo.

10- Inaad ku fakirtid sancada Allaah iyo khalqigiisa uu hagaajiyey abuurkooda, maamulka iyo hanaan socdkoodana haya oo haga.

11- Inaad dul istaagtid ballanqaadyada Ilaahay iyo Rasuulkiisu ku sheegeen kitaabka iyo sunnada, kuwaas oo loo yaboohay addoomaha wanaagsan, nimcada, Raaxada, nolosha daa'imka ah, nolosha daalka iyo rafaadka ka maran ee loo ballan qaadey kuwaasi. Una fiirsatid tilmaamaha lagu gaadhayo laguna helayo darajadaasi oo aad ku dadaashid, iskuna daydo falkooda.

Taasi waa qodobada kuu kaxayn kara jacaylka Ilaahay , qalbigaagana ku mashquulin kara adeeciddiisa, waase inaad ugu horeyn naftaada ka nadiifisaa jacaylka ay cid kale ku xidhan tahay amaba naftaadu jeceshahay. Kaas oo kaa mashquulinaya jacaylka Ilaahay " qalbigana laba jacayl ma wada degaan".

Macaasida waa inaad ku beddeshaa daacada Allaah (s.w) oo haddaad naftaada la dadaasho ay caado wanaagsan u noqoneyso falkaasu., taas oo aaney ku dhaqaaqeyn kuna dhiiraneyn iney Ilaahay xadhiga ka goosato.

Waxay u dardaarantey haweeney kamid ahayd dadkii salafka wanaagsanaa ahaa wiilkeedii waxay ku tiri: ( Barta, caadana ka dhigta jaceylka Ilaahay iyo daacadiisa, waayo kuwa taqwada leh waxay xubnahoodu barteen daacada Allaah, waxaaney diideen wax kale, Haddii shaydaanku macsiyo amrana waxay ka leexataa xagooda, ayaguna waa diidaan).

Ilaahay ayeynu ka baryeynaa inuu ina waafajiyo jeclaantiisa, si aynu u gaarno taqwadiisa sharafta badan. Aamiin.

ALLE KA CABSIGII SAXAABADA by: Maxamed Axmed

Posted on August 27, 2011 at 11:45 AM Comments comments (1)

Bismillaah Arraxmaan Arraxiim.

Ilaahay baa ammaan oo dhan & xamdiba iskaleh, Allaha Khabiirka ah oo haddana Xakiimka ah, Xaal uuyahay kii kusugnaaday carshigiisa, Ilaaha qorrax kasoo baxa iyo qorrax udhaca, Allaha abuurtay Maroodiga iyo muluca, kan si guud ugu naxariista adoomihiisa, hayeeshee si gaar ah ugu naxariista Mu'miniinta..

Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato Nabigeennii udgoonaa Muxammad, raxmaddii caalamka, hanuuniyihii ummaddiisa, shafeecihii qiyaamaha, siraajkii muniirka ahaa & saaxiibka Xawdka(darka) ay mu'miniintu kacabi doonaan maalinta qiyaame ee ay qorraxdu kulushahay.

Intaas kaddib:

Culimada Islaamku waxay yiraahdeen: "Ilaahay qaadir ahaaye, isagoo isticmaalaya cilmigiisa ballaaran ee usahlaya inuu ogaado waxa soo socda, ayuu wuxuu fiiriyey quluubta adoomihiisa bini'aadamka ah, markaasuu wuxuu ka-doortay dhexdooda Nabiyadiisa iyo rusushiisa, kaddibna wuxuu fiirshey quluubta Nabiyadiisa, markaasuu wuxuu kadoortay Nabi Maxamed iyaga dhexdoodii, kaddib wuxuu fiirshey quluubta addoomihiisa sooharay ee aan nabiyada iyo malaa'igta ahayn, markaasuu wuxuu kadoortay saxaabadii nabi Muxammed, islamarkaasna uu iyaga udoortay Rasuulkiisa inay garab iyo gaashaan u noqdaan, Ilaahay wuu doortay asxaabta nabiga, kaddib markuu fiirshey quluubtooda, kaddib markuu ogaaday inay uqalmaan inuu doorto.

Marka walaalahaygii wanaagsanaayoow, waxaan mawduuceenaan maanta ku eegi doonaa sifihii ama sidii ay saxaabadii Rasuulka lanoolaa ay udhaqmi jireen ama uu ahaa Cabsida ay Alle kaqabeen ciqaabkiisa, tan markaan isla eegno waxaa kuubaxaya in annaga nool maanta iyo iyaga waqtigaas joogey aan isu jirno inta cirka iyo dhulku ay isu jiraan(yacni sida Islaamkeennu u kala fogyahay, iyo sida ay nooga fiicnaayeen)..

KHOOFKII(AMA CABSIDII SAXAABADA)

ABUUBAKAR AL SIDDIIQ:

Abuubakar(Allaha ka raalli noqdee) sida uu warinayo imaam Axmed ibnu xanbal, waxaa laga hayaa inuu yiri: "Waxaan jeclaystaa inaan ahaado xabbad tin ah oo kutaal jirka qof mu'min ah", saas wuxuu uleeyahay saxaabigu cabsi uu kaqabo Ilaahay lakulankiisa. Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayuu wuxuu qabtay carrabkiisa foodiisa, markaasuu wuxuu yiri carabi ahaan: "haadaa Alladii awradanii almawaarid" (kan oo carrabkayga ahi waakan i dabaalsiinaya togaga iyo balliyada) wuxuu ula jeedaa kahadalka dadka maqan arrimahooda ayuu idabaalsiiyey carrabkaygu(saxaabigu wuxuu ahaa ruux Alle kacabsi badan, laakiin naftiisa ayuu dhaliilayaa).

Sidoo kale waxa uu imaam Axmed kuweriyey kitaabkiisa la yiraahdo AZZUHDI in uu Abuubakar yiri carabi ahaan: "ABKUU FA IN LAM TABKUU FATABAAKAW" (dadoow ilaahay dartiis u ooya, haddii iinnaan ooyi karinna kudadaala inaad ooydaan). Sidoo kale waxa uu Imaam Axmed ka warinayaa MUJAAHID isagoo sheegaya Abuubakar sifadiisa: "WAKAANA IDAA QAAMA ILAA ASSALAATI KA' ANNAHU CUUDUN MIN KHASHYATI ALLAAH" ( Abuubakar markuu u istaago salaadda wuxuu ahaa sidii tiirkii oo kale, dhaqdhaqaaq la'aan, cabsi Ilaahay darteed). Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayaa Abuubakar yiri: " Wallaahi waxaan jeclaystaa inaan ahaado geed ladaaqay oo xooluhu ay ruugeen"(yacni geeduhu maadaama aysan xisaab lahayn qiyaamaha, ayuu leeyahay maxaan geed u ahaan waayey aan xisaabta kabaxsadee!.

CUMAR BIN AL-KHADDAAB(RA):

Maalin maalmaha kamid ayuu wuxuu akhrinayey suuradda 52-aad ee qur'aanka, laguna magacaabo Suurat- Adhuur, markii uu marayo{ INNA CADAABA RABBIKA LAWAAQIC} (Cadaabka rabbigaa waa kii dhacaya), ayaa oohintiisii badatay wuxuuna bilaabay inuu hadba kuhakado aayaddaas iyada ah, isagoo kusoo celcelinaya, kaddibna wuu xanuunsaday tiiraanyo darteed, ilaa uu kusugnaaday ayaamo badan gurigiisa, dadkuna ay hadba kusoo booqanayeen jirradiisa awgeed!.

Sidoo kale maalintii naftu kadhacaysay cumar isagoo kujiifa dhabta wiilkiisa ayuu wuxuu kuyiri: "Wiilyohow madaxayga dhulka iska dhig oo ciidda dhig, waxaan rajaynayaa in Ilaahay arrintaan darteed iigu naxariistee", Sidoo kale wuxuu yiri carabi ahaan: "BAL WEEYLUN LI UMMI CUMAR ILLAM YAQFIR LII" (Hooyadii cumar waa hoogtay, haddii aan cumar Ilaahiis u naxariisan) isaga ayaa isula jeeda hadalkaan isaga ah. Waxaa kaloo lawariyaa in Cumar indhihiisa hoostooda ay kuyaalleen laba xariiqamood oo madoow oo kadhashay iilmadiisa badan, oo uu Alle dartiis u ooyi jiray (WAKAANA FII WAJHIHI KHADDAANI AL ASWADAAN MINAL BUKAA).

CUSMAAN IBNU AL CAFFAAN(RA):

Sida uu qorayo kitaabka layiraahdo XILYATUL AWLIYAA, Cusmaan marka uu qabri booqdo aad ayaa oohintiisu ubadnaan jirtay, ilaa garkiisa oodhammi uu kaqoyi jiray, maalin maalmaha kamid ahna wuxuu yiri "Haddii lay geeyo meel udhaxaysa naarta iyo jannada, ma ahi mid garanaya mid la igu tuuri doono, hayeeshee haddii ikhtiyaar la isiiyo markaas waxaan dooran lahaa in layga dhigo ciid", cabsi uu Alle kabaqayo ayuu saas uleeyahay saxaabigu!.

CALI BIN ABII DAALIB(RA):

Sida uu dhigayo kitaabka layiraahdo SAFWATU AL- SAFWAH, Cali Alle ka-cabsigiisu laba arrimood ayuu kusalaysnaa, labadaas oo kala ah: YIDIDIILO DHEER & HAWADA RAACIDEEDA oo uu cabsi kaqabey, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas sifaynaya: " Rajooyinka dheeri aakhirada ayay ku hilmaansiiyaan, Hawada raacideeduna xaqa ayay kaa dabooshaa, War dadoow adduunyo waa sii socotaa, aakhirana waa soo socotaa, mid walbaana carruur bay leedahay, marka kudadaala inaad kamid noqotaan carruurta aakhiro, oo hakamid noqonina carruurta aduunyo, maanta waa maalin-camal oo xisaabi majirto, barrina waa maalin-xisaab oo camal majiro"

ABUU AD-DARDAA'(RA):

Saxaabigaan jaliilka ah waxaa laga wariyey inuu yiri: "Qiyaamaha waxaan ugu cabsi badanahay in la iweeydiiyo Abuu dardaayoow wax waad baratay, laakiin maxaad kaga camal-fashay wixii aad baratay".

TAABICIGA IBNU ABII MALAYKAH:

Wuxuu yiri: "waxaan lakulmay anigu soddon kamid ah saxaabadii rasuulka, mid walbaana wuxuu naftiisa kala baqi jiray inuu kamid noqdo munaafiqiinta".

Sidoo kale taabiciga layiraahdo AL-XASAN A-L BASRII:

Waxaa laga hayaa inuu yiri " Munaafaqnimada sideeda, waxaa ka-baqa mu'minka, waxaana aammin naftiisa uga noqda munaafaqa" (yacni qofkii naftiisa munaafaqnimo kala baqayaa waa qofka mu'minka ah oo keliya). Cumar binu Al-khaddaabna wuxuu maalin uyimid saxaabiga layiraahdo xudeeyfa ibnu Al-yamaan, oo ahaa sirhayaha Rasuulka(NNKH), cumar wuxuu weeydiiyey xudeeyfa: " Walaaloow xudeeyfoow maadaama uu Rasuulku kuusheegay magacyada munaafiqiinta, anigu makujiraa munaafiqiinta", Xudeeyfa wuxuu ugu jawaabay: MAYA KUMA JIRTID, Adiga qof kaa dambeeyana uga jawaabi maayo su'aashaas oo kale.

IMAAM AL-BUKHAARI:

Imaamku Ilaahay raalli haka noqdee wuxuu u khaas yeelay BAAB(ama CUTUB) dhan oo kitaabkiisa kamid ah Cabsida, wuxuuna kumagacaabay..carabi ahaan marka lagu sheego: " Baabu khoowf al mu'min an yaxbadha camaluhu wahuwa laa yashcur" (baabka tilmaamaya inuu mu'minku kabaqo inuu camalkiisu buro isagoo aan dareemin).

ALLAAH WAXAAN WEEYDIISANAY CAFI & CAAFIMAAD...

Qisaddii Nabi Ismaaciil c.s by: Sh. Max'ud Sh. C/Waaxid

Posted on August 27, 2011 at 11:30 AM Comments comments (0)

Sababtii keentay in Illaahay amro Nebi Ibraahiim inuu bireeyo Wiilkiisa Ismaaciil CS.Sababta keentay in Nebi Ismaaciil CS la amro in la bireeyo xaqiiqada Illaah baa garanaya, balse sida la sheegay Nebi Ibraahiim CS ayaa sadaqeeyey 1.000 Neef oo Ari ah, 300 oo lo'ah iyo 100 Neef oo Geel ah, wuxuuna ku baxshay jidka Illahay, dadkii ayaa la yaabay, markaabaa Nebi Ibraahiim CS wuxuu yiri "waxaan baxday agtayda waxba kama ahaa, balse Illah baan ku dhaartee haddii uu ii ahaan lahaa wiil jidka Illahay ayaan u bireyn lahaa, Illahey ayaana ugu dhawaan lahaa "markii uu saas yiri Nebi Ibraahiim CS waqti badan ayaa la joogay, kaddib Illahay ayuu weydiistay awlaad,(ilmo) Illahayna wuu ka aqbalay, waxaana loogu bishaareeyey walad, waxaana loo dhalay Nebi Ismaaciil (CS). Nebi Ismaaciil CS markuu weynaaday ee uu gaaray dhowr sanno, ayuu Nebi Ibraahiim (CS) ku riyooday isagoo bireynaya wiilkiisa Ismaaciil CS, laguna yiri oofi nadarkaagii (dhaartaadii hadda ka hor).Markii waagu beriyey ayuu ku fekeray tolow ma amar xag Alle ka yimid baa riyadu, mise waa shaydaan.Galabtii ayuu haddana ku riyooday wuxuuna xaqiiqsaday in xagga Alle laga amray, inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil CS. Maxaa yeelay Riyada Nebiyadu waa xaq, waxayna la mid tahay iyadoo loo waxyooday. Nebi Ibraahiim (CS) wuxuu ku yiri, Haajara oo ahayd Nebi Ismaaciil hooyadiis "Wiilka dhar fiican u xir meel baan aadaynaayee "hooyo Haajara Ismaaciil CS dhar fiican ayey ugu labistay wayna u subagtay, wayna u shanlaysay. Nebi Ibraahiim CS wuxuu qaatay xarig iyo mindi, waana is raaceen isaga iyo Nebi Ismaaciil (CS). Nebi Ismaaciil CS aabihiis ayuu hor socday in la biraynayana ma ogeyn isaga iyo hooyo Haajaraba. Ibliis (shaydaan) ayaa damcay inuu ka faa'iidaysto, markaa buu Nebi Ibraahiim CS ku yiri: "miyaadan arkayn wiilkaan baa la qali karaa?".

Nebi Ibraahiim CS wuxuu yiri: "Illahay ayaa i amray, waana biraynayaa"

Ibliis markuu ka quustay Nebi Ibraahiim CS ayuu u tagay Hooyo Haajara wuxuu yiri "halkaan ayaad iska fadhisaa Ibraahiimna wuxuu doonayaa inuu bireeyo wiilkaaga Ismaaciil ah".

Haajara waxay tiri: "iga daa beenta, xaggeed ku aragtay aabbe Ilmihiisa biraynayaa?".

Ibliis wuxuu yiri: "Saas daraadeed ayuu u qaatay xarig iyo mindi".

Haajara waxay tiri: "Maxaa kalifay inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil?".

Ibliis wuxuu yiri: "Wuxuu sheeganayaa in Illahay amray".

Haajara waxay tiri: "Koley Baadil Illahay amri maayo".

Markii Ibliis Haajara ka quustay ayuu aaday wiilkii yaraa ee Nebi Ismaaciil ahaa,si uu u fidneeyo, wuxuuna yiri: Waad faraxsan tahay oo waad iska cayaaraysaa; Aabbahaana wuxuu kuu wataa xarig iyo mindi,wuxuuna doonayaa inuu ku bireeyo.

Ismaaciil wuxuu yiri: "war beenta iga daa, maxaa aabahey ii biraynayaa?".

Ibliis wuxuu yiri:"wuxuu sheeganayaa in Illahay amray inuu ku bireeyo.

Ismaaciil CS wuxuu yiri: "waan maqlayaa waana adeecayaa (yeelayaa) amarka Illahay".

Ibliis markuu doonay inuu hadal kale u celiyo ayaa Ismaaciil CS qaatay dhagax, wuuna ku tuuray, wuxuuna uga dhuftay isha bidix, Ibliis waa iska tagay isagoo hoogay oo khasaaray.

Nebi Ibraahiim (CS) iyo Ismaaciil markay gaareen meel la yiraah mina oo u dhaw kacbada ayaa Nebi Ibraahiim CS ku yiri Ismaaciil "wiilkaygiiyoow waxaan riyo ku arkay aniga oo ku biraynayaa ee maxa ra'yigaagu yahay?".

Ismaaciil wuxuu yiri: Aabbaheeyow samee waxa Illahay ku amrayo, waad i heli doontaa haddii Alle idmo inaan ka mid ahay dadka wanwanaagsan. Nebi Ibraahiim CS markii uu maqlay hadalkii wiilkiisa Ismaaciil, wuxuu qiray(Ogaaday)in Illahay u ka ajiibay ducadiisii hadda ka hor uu Illahay ku baryay oo ahayd:(Rabbi hablii minal salixiin)

Nebi Ibraahiim CS Illahay ayuu ku xamdiyay intaa kaddib nebi Ismaaciil CS ayaa yiri: Aabaheeyoow waxaan kuu dardaarmayaa dhowr shay:-

Markii aad i biraynaysid iga xir gacmaha si aanan kuu dhibin.

Wajigayga iska sii jeedi waxaa laga yaabaa inaad wajigayga ujeedo inaad iga naxdo, oo aad ii naxriisato.

Dharkaaga xaydo (kor u qaado) si aan dhiiggu kuugu faniinin, hooyadayna inta kugu aragto dhiigga aysan ku murugoon, anna ajarku iiga nusqaamin.

Afayso midida kuna dhaqso biraynta si ay iigu fududaato sakaraatul mowdku, maxaa yeelay mowtku waa daran yahay.

Qamiiskayga u gee hooyadey ha igu xasuusatee.

Aabbe hooyaday igu salaam, waxaadna ku tiraa ku samir amarka Illahay.

Aabbe hooyo ha u sheegin sida aad ii biraysay,xariggii aad igu xirtay IWM.

Aabbe hooyaday: yaysan u soo galin Ilmaha anigoo kale ah way i xasuusanaysaaye, markaas bay murugoonaysaaye.

Aabbe haddii aad aragto wiil anigoo kale ah ha-fiirin yaadan murugoonee!

Nebi Ibraahiim CS wuxuu yiri: "wiilkaygiiyow waxaad iigu kaalmaysay amarkii Illahay i faray".

Nebi Ibraahiim CS wuxuu guda galay inuu legdo (dhinaciisa dhulka dhigo) wiilkiisa Ismaaciil CS si uu u bireeyo, wuuna legday, middidii ayuuna surka uga kir-kiray intii xooggiisa, balse waa awoodii waayey inuu ku jaro middida qoorta wiilkiisa Ismaaciil CS.

Malaa'igta Illahay markii ay arkeen Ibraahiim CS oo biraynaya wiilkiisii Ismaaciil CS waxay u hoobteen Sujuud,

Illahay ayaana ku yiri: fiiriya addoonkayga sida uu ugu kir-kirayo (marmarinayo) middida qoorta wiilkiisa, isagoo rilaheyga dalbay (doonaya).

Ismaaciil CS wuxuu yiri: "Aabaheeyow ii sii daa gacmaha iyo lugaha oo iga fur xariga, yaan la ii malaynin in la i qasbayo, oo aan diidanahay amarka Illahay, ina gowrac anoon gacmo xirneyn.

Nebi Ibraahiim CS waa ka furay xargihii lugaha iyo gacmaha, mar labaad ayuuna middidii ku kir-kiray, wiilka surkiisa intii xoggiisa ah, markaas baa middidii afka ka soo laabmatay, waxna u goyn weysay.

Ismaaciil CS wuxuu ku yiri Aabihiis Ibraahiim "Aabbe xoogaagii ayaa daciifay jeclaanta aad i jeceshahay awgeed, mana awoodid inaad i birayso".

Nebi Ibraahiim CS middidii ayuu ku garaacay dhagax, markaas bay dhagaxii labo u kala goysay, afka middidu leedahay awgeed.

Nebi Ibraahiim CS wuxuu yiri: "middidani way kala goynaysaa dhagaxa, hilibkana goyn meyso!!

Nebi Ibraahiim CS middidii ayaa la hadashay oo tiri "Ibraahiimow waxaad i leedahay wax goy, Illahayna wuxuu i leeyahay ha goyn, ee sideen amarkaaga u yeelaa, Illahayna u caasiyaa?".

Intaas markii xaaladdu marayso ayaa Illahay u naadiyey kuna yiri Aayadahaan qur'aanka ah.

Illahay wuxuu u keenay Wan wayn oo laga keenay sida la sheegay jannada, waxaana lagu beddelay Nebi Ismaaciil CS.

Jibriil oo la socday wanka, ayaa yiri:Allahu akbar, Allahu akbar,allahu akbar.

Nebi Ibraahiimna CS wuxuu yiri:"laa ilaaha ilalaah wallahu akbar".

Nebi Ismaaciilna CS wuxuu yiri: "Allahu akbaru wallilaahil xamdu"

Sidaas daraadeed ayaa takbiirta la qaadaa maalmaha ciidda Carafo, inagoo ku dayanayna Nebi Ibraahiim CS.

Nebi Ismaaciil CS waa awoowga kore ee uu ku abtirsado Rasuulkeenna Muxammad NNKH.

Nebi Ismaaciil CS wuxuu ku soo barbaarey Makka Al-Mukarama.

Nebi Ibraahiim CS wuxuu Nebi Ismaaciil CS Illahay siiyey isagoo 87 jir ah.

Hooyaddii Haajarana waxay ahayd addoon (booyaas) ay leedahay oo u shaqeysa xaaskii kale ee Nebi Ibraahiim markay waxba u dhali weyday ayey ku dartey booyaasadeedii Haajara aheyd, halkaas oo Illahay Nebi Ismaaciil ka beeray.

Nebi ismaaciil walaalo waxaa la dhashay hal wiil, wiilkaas oo ahaa Nebi Isxaaq CS.

Nebi Ismaaciil CS wuxuu Nebi Isxaaq ka weynaa 14 sanno.

Nebi ismaaciil (CS) wuxuu dhalay 12 wiil, dhammaantoodna waxay noqdeen Awoowe-yaal lagu abtirsado, Nasabka Nebi Ismaaciil (CS) waxa ka soo jeeda Carabta-Mustacribadda la yiraahdo.

Nebi Ismaaciil wuxuu noolaa 137 sanno, wuxuuna ku dhintay Mako, oo uu ku aasan yahay.

Intaas waxaa inoogu dhamaaday Qisadii Nebi Ismaaciil CS oo kooban.

Dadaalka Salafka by: Sh. Abdalla M. Maxammud

Posted on August 27, 2011 at 10:40 AM Comments comments (0)

Qalbiga hadduu ku xiran yahay Alle waxaan shaki lahayn inuu jeclaanayo salaada, sidaa awgeed ayuu nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu ahaa mid jecel salaadda, Anas wuxuu ka wariyay nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee inuu yiri: Waxaa layjeclaysiiyey catarka udgoon iyo guurka haweenka, waxaa laga yeelay salaadda miday ishaydu ku qabowsato oy ku raaxaysato.

Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu oran jiray: Bilaalow noogu raaxey salaadda. Waayo bilaal wuxuu ahaa mu'adinka Nabiga wuuna cod wanaagsanaa.

Salaada waajibka ah ka sogowna wuxuu nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee ahaa mid tukada salaadaha sunanta salaatul leylka.

Caa'isha Allaha ka raali noqdee waxay tiri: Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu ahaa mid u istaaga salaatul leyl ilaa ay caguhu ka dildillaacaan. Waxaan ku iri maxaad sidaa u samayn Rasuulkii Allow adigoo laguu dhaafay dambigaagii mid hor iyo mid dambeba? Markaasuu yiri: Haddaba miyaanan noqoneyn adoon Alle ku mahdiya oo ku shukriya.

Alle kor ahaaye wuxuu amaanay mu'miniinta Alle ka cabsatay habeenkooda in badan cibaadeysata, Allena dambidhaaf weydiisata, Alle wuxuu yiri:Waxay ahaayeen kuwo wax yar habeenkii seexda inta kalena cibaadeysta, waaberigana dambidhaaf Alle weydiista.

Salafku waxay ahaayeen kuwo ku dadaala salaadda had iyo jeer tusaale:

Waxay ahaayeen rag hadday salaadda jamaca ka tagto isugu tacsiyeeya

Waxay ahaayeen rag hadday jirran yihiin iyagoo garbaha la hayo masaajidka la keeno seeyan u dhaafin salaadda jamaca. Waxay ahaayeen kuwo ku tartama safka hore. Waxay ahaayeen rag camal kasta salaadda ka jecel.

Sidaa awgeed Ilaahay kor ahaaye kitaabkiisuu ku amaanay wuxuuna yiri: Waa rag ayna ka shuqlinayn ganacsi iyo gadasho xuska Eebe iyo oogidda salaadda iyo bixinta sakada iyagooka cabsan maalin quluubta iyo araggaba gadgaddoomayaan (Qiyaamaha).

Sidaa awgeed salaadda, sakada, xajka, soonka iyo dhamaan qeybaha diinta Islaamkuba waxey u baahan yihiin rag naftooda iyo maalkooda iyo waqtigooda u hura sida salafka ummaddaan.

Kheyrka Allaha na waafajiyo.

Jannada iyo wixii loo diyaariyey Mu?miniinta

Posted on January 7, 2011 at 10:11 PM Comments comments (2)

Allaah (sw) wuxuu jannada ka dhigay guri ay leeyihiin dadka karaamada iyo sharafta ku lahaa Allaah agtiisa markii ay dunida joogeen, kuwaas oo noloshooda ku dhamaystay in ay allaah raali galiyaan lana yimaadaan wax kasta oo uu amray kana haraan wax kasta oo uu Allaah ka reebay. Allaah abaal marin ayuu uga dhigay, waana wax laysku abaal mariyo waxa ugu wanaagasan.

Haddii ay dadku ku fakari lahaayeen oo ay had iyo is waydiin lahaayeen waxa allaah uu u diyaarshay dadka mu'miniinta ah, qof waliba waxaa uu ku mashquuli lahaa sidii uu camalkiisa u hagaajin lahaa inta uu dunida joogo si uu nolosha dambe u helo meel wanaagsan uu ku waro. Jannadu waxay leeda-hay waxyaalo badan oo la yaab ah sida uu allaah iyo rasuulku nooga warameen. Nabigu (scw) wuxuu yiri {dadka ahlu jannada ah markay jannada galaan way garanayaan gurigii loo diyaariyey, maalina nabigu wuxuu yiri ilaa-ha ay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaar-taye qofka ahlu jannaha ahi markuu jannada galo guriga uu ka gali lahaa wuu ka aqoon badan yahay sida uu hadda u yaqaan gurigiisa aduunka}.

Aayad quraan ah Allaah wuxuu ku yiri ((waxaa la galinayaa janno ay garanayaan oo loo qurxiyay)) wuxuu Mujaahid ku macneeyey aayadaan waxaa laga wadaa {dadku guryihii janada ay ku lahaayeen ayay toos u aadayaan iyagoo aan cidina tusin mana gefaayaan oo qof gurigiisii dhaafayaa ma jiro,} rag kale oo culumada ka mid ah waxay ku macneeyeen {sida ay dadku maalinta jimcada ah uga dareer-aan masaajidka oo ay u aadaan gurigooda ayuu qof waliba gurigiisa u aadayaa maalinta qiyaamaha)

Dhismaha jannada

Jannadu waxay ka dhisan buluketi dahab(gold) ah iyo bulukeeti qalin(silver) ah, labada bulukeeti dhexdooda waxaa ah Miski (booskii dhoobada), quruuruxa jannada wuxuu ka samaysan yahay Luul iyo yaaqu-ut (nooca ka mid ah dhagaxa qaaliga ah), ciideeduna waa sac-faraan. Haddaba jannada dhismahaas leh waxaa iska leh dadkii iska ilaashay xumaanta markii ay aduunka joogeen waayo nabigu wuxuu diiday qofku inuu wax ku cuno kuna cabo weel ka samaysan dahab iyo silver, bedelkooda si ay ugu helaan jan-nada dhexdeeda. Cidda lagu abaalmariyo. Waxaa maalin u timi nabiga qof dumar ah waxay u sheegtay inay ku riyootay riyo aad iyo aad u yaab badan, nabigu wuxuu u ogolaaday in ay ka waranto, waxay tiri (waxaan ku riyooday aniga oo magaalada layga saaray ka dibna lay galiyay janno, wax-aan maqlay cod aad u wayn sidii wax samada ka soo dhacay oo kale ah, codkaa awgiisa ayaa jannadii la furan-tay, dhinicii aan jugta ka maqlay ayaan fiirshay waxaan arkay hebel iyo hebel iyo hebel ilaa ay tirisay 12 nin, --raggaa ay tirisay waxay ka mid ahaayeey rag uu nabigu u diray duulaan oo ku maqnaa duulaankii-iyadoo hadalkii sii wada ayay tiri, nimankaasi waxay qabeen dhar ay ka muuqato dacdaro waxaa loo tilmaamay inaay galaan wabiga magiciisa la yiraahdo -baydakh-wabigii ayaa la quusiyey waxaa laga soo baxshay ayagoo aad wajigooda moodo sidii dayax jooga afar iyo tobnaad, waxaa loo keenay saxan dahab ah oo aay ku jiraan timirta nooca loo yaqaan busur, waxbay ka cuneen aniguna waan la cunay ayay tiri, halkaa markay maraysay ayay riyadii dhamaatay, markii ay haweentii ka dhaqaaqday ayaa waxaa nabiga u yimi nin nabiga u bishaaraynaya kana wara-maya duulaankii la diray wuxuu yiri ninkii hebel iyo hebel iyo hebel waa la dilay ilaa uu ninkii tiriyey laba iyo tobankii nin ay naagtu nabiga u tirisay, nabigu isla markii ayuu haweentii u yeeray oo wuxuu ku yiri riyadii aad aniga ii sheegtay dadka ugu celi, waxaa is waafaqay riyadeedii iyo khabarkii laga keenay ciidankii duulaanka ahaa. Xadiithka waxaa wariyay Axmed waana shardiga muslim.

Labiska Janada

Allaah (sw) wuxuu quraanka ku yir {sabirkii ay aduunka sabreen ayaa waxaa lagu abaal marinay janno iyo xariir), wuxuu kale oo uu allaah yiri {dharkoodu waa xariir). Markii ay ragga mu'miniinta ahi ka tageen inay aduunka ku xirtaan xariir iyo inay dahab xirtaan sida faraati dahab ah ama silsilado ayaa allaah (sw) wuxuu dhar uga dhigay jannada dhexdeeda xariir ragga iyo dumarkaba, sidoo kale ragga iyo dumarkuba waxay xiranayaan oo ay ku labisanayaan dahabka iyo luulka sidii uu allaah u yiri {waxaa loo labisayaa oo lagu qurxinayaa jinjimo dahab iyo luul ah}. Nabiga (scw) wuxuu yiri ((hadii nin ka mid ah ahlu jannaha uu soo bixi lahaa oo ay muuqan lahaayeen jin-jimihiisu (lugaha iyo gacmaha dahabka ugu jira) waxaa qarsoomi lahaa iftiinka qoraxda sida qoraxdu ay u qariso iftiinka xidigaha)). Dahabka uu ku labisan yahay ayaa waxaa la qarsoomi lahaa ifka qoraxda, miyayan ahayn wax aad loola yaabo?, qof kasta oo muslimiinta ka mid ah waxaa laga rabaa inuu ku dadaaalo sidii uu ku heli lahaa jannada allaah uu u diyaariyay dadka mu'miniinta ah. Wuxuu nabigu xadiith kale ku leeyahay {qof mu'minka ah waxaa labiska dahabka sida jinjimaha loo gaarsiinayaa meesha uu weesadiisa gaarsiiyo) haddaba waxaa mudan in la hagaajiyo weesa qaadashada oo xubnaha si fiican loo dhaqo.

Cuntada iyo cabitaanka jannada

Jannada cuntadeeda iyo cabitaankeedu waa aad u cajiib badan, sida allaah u yiri {naf waliba waxay leedahay waxay niyaysato oo ay jeclaato indhaheeduna ku qabawsadaan). Wuxuu nabigu xadiith ku yiri {kawtharku waa wabi uu allaah (sw) aniga i siiyay, caanaha waa ka cad yahay, malabkana waa ka macaan yahay, wuxuu leeyahay shimbiro aad u waawayn, surka shimbiruhu wuxuu le'eg yahay surka geela, halka markii uu nabigu maraayay ayaa waxaa istaagay Cumar Ibnu Khidab wuxuu na yiri "wal-laahi rasuulkii ilaahayow waa nimco waxa aad ka sheekaynaysaa" wuxuu nabigu ku jawaabay cunideeda ayaa ka sii nimco badan}. Wabiga uu nabigu xadiithkaan ku sheegay waa wabi allaah uu nabiga siiyay maalinta qiyaamena marka dadka ay ka soo baxaan qabuura-ha nabiga ayaa dadka mu'miniinta ah ka waraabinaya, nabigu wuxuu sheegay in uu umaddiisa u yahay ceelalyo (mid darka ceelka uga sii hor mara umaddiisa si uu darka ugu hagaajiyo oo uu markay yimaadaaana u waraabiyo) wabigaa marka uu nabigu dadka waraabinaya waxaa laga celinaya dad calaamadihii muslimiinta leh markaas ayuu nabigu u dhawaaqayaa allaah, wuxuu oranayaa ilaahayow kuwaasi umadayda ayaay ka mid yihiin, markaas ayaa nabiga loogu jawaabayaa "nabi maxamadow ma garanaysid waxay ay diinta ku soo kord-hiyeen gadaashaa" waana kuwa waxyaalaha bidcada ah dadka diin uga dhiga iyagoo dano gaar ah ku wata. Jannada cunadeeda iyo cabitaankeeda qofku ka daali maayo, sida nabigu yiri: maalin ayaa nabiga waxaa u yimi nin yuhuud ah wuxuu nabiga ku yiri nabi maxamadow waxaad sheegtay dadka ahlu jannaha ahi cuntada iyo cabitaanka ka daali maayaan nabigu wuxuu ku jawaabay allaha ay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye qofka ahlu janna-ha ah waxa la siiyay awood u dhiganta boqol qof xagga cunida iyo cabida iyo waliba xagga jamaaca (galmada ama u tagidda xaasaskooda), halkaa markii uu nabigu marinayay xadiithka ayuu wuxuu yiri ninkii yuhuudka ahaa qofkii wax cuna oo caba waxaa u baahanyaa in kor tago jannada waxaad sheegtay in ayan dhib lahayn arintaasi dhib ayey qofkii ku noqonaysaa, wuxuu nabigu ku jawaabay qofku waxaa jirkiisa ka soo baxaya dhi-did ka udgoon miskiga markuu dhididana waxaa ka baxaya wixii caloosha ku jiray markaas ayuu haddana ku laabanaya cuntadii.

Guryaha Janada

Wuxuu nabigu yiri {qofka mu'minka ah wuxuu jannada ku leeyahay khaymad laga sameeyey luul, dhererkeedu lixdan mayl xagga cirka waxaan kula nool xaasaskiisa, markii uu mid ka mid ah u tagayo ma arkayaan kuwa kale.

Beeraha Jannada

Abuu hurayra (rc) ayaa wuxuu yiri nabiga oo maalin sheekaynaya oo nin reer baadiya ahna nala fadhiyo ayaa nabigu wuxuu yiri {nin ahlu janno ah ayaa wuxuu ilaah waydiistay in uu beer abuur-to jannada dhexdeeda, allaah ayaa wuxuu ninkii ku yiri miyaanan jannada dhexdeeda kugu siin wax kasta oo aad doonto, ninkii wuxuu ku jawaabay "haa laakiin waxaan jeclahay inaan wax beer-to, ninkii hal xabo oo dalag ah ayuu dhul-ka ku aasay isla markiiba beertii way soo baxday waxay le'ekaatay sidii buuro waawayn oo kale, miraha ku yaalana ay diyaar u yihiin in la gurto, allaah ayaa ninkii wuxuu ku yiri ibna aadamow qaado beertaa wax ku dherginaya ma jiraane, markuu nabigu xadiithka halkaa mari-nayo ayaa waxaa kacay ninkii reer baadiyaha ahaa oo nabiga markii hore la fadhiyay wuxuun yiri -rasuulkii ilaahayow ninkaa aad ka sheekaynaysid oo janna-da dhexdeeda inuu beer abuuro ilaah waydiistay waxaan u malaynayaa inuu yahay nin Quraysh ama Ansar ah maxaa yeelay iyagaa ah beeralay anagu maahin beeralay ee baadiyaha ayaan degena-hay, nabiga (scw) wuu qoslay markii ninkii reer miyiga ahaa uu arintaa yiri.

Hooska jannada

Jannada waxa ay leedahay hoos (har) aan kala go'ayn mana laha qorax sida uu allaah (sw) ku yiri quraanka {Jannada loo diyaariyey dadka allaah ka cabsada waxaa hoosteeda mara wabi, cuntadee-da iyo hooskeeduna waa mid waligii daa'im ah}, sida ay culumadu isku iti-faaqeen ma laha jannadu habeen waa maalin aan qorrax lahayn, culumada qayb ka mid ah waxay ku shabahaan waqtigeeda xilliga u dhexeeya xilliga waabariga iyo qorax soo baxa, dadka ahlu jannada ah ma seexdaan

Dumarka Jannada

Jannada dhexdeeda waxaa jooga haween daahir sida uu allaah quraanka ku yiri {haween la dahiray (la nadi-ifiyey)} waxay culumadu yiraahdeen haweenkaasi waxay nadiif ka yihiin Xaydka(dhiigga caadada oo dumarka ku dhaca), saxaro, iyo wax kasta oo naftu dhibsato, haweenkaas allaah ayaa ka ilaaliyay wax kasta oo qurun ah, wuxuu allaah yiri waxaad moodaa luul, wuxuu kale uu allaah yiri (ahlu jannaha xaasaskoodu waa xuural cayn) xuural cayn waxay culumadu ku tilmaameen inay tahay gabar dhalin yar oo qurux badan indaha barta madow ayaa aad u madow meesha wareega isha ee caddi-na aad iyo aad ayey u cadahay, indha-hooda kuma taagaan meel aan ninkooda ahayn, waxaad moodaa in ay yihiin yaaquut iyo marjaan horana jinni iyo insi uma soo taaban, dhamaantooda waa bikrado isku wada da' ah. Nabiga (scw) wuxuu yiri haddii ay gabar ka mid dumar-ka jannada u soo bixi lahayd aduunka udugeeda ayaa wuxuu buuxin lahaa inta u dhaxaysa cirka iyo dhulka, waana ifin lahayd inta cirka iyo dhulka u dhexaysa, madaxa waxaa ugu jira ayaa ka khayr badan wax kasta oo aduunka yaal. Wuxuu xadiith kale ku yiri nabigu (scw) xaasaska ahlu jannuhu way u heesayaan nimankooda, cod kii ugu wanaagsanaa ayay ugu heesayaan, codkaas oo qof horay u maqlay aanu jirin, ereyada ay ugu heesayaan waxaa ka mid ah -wax-aanu nahay dumar akhlaaq wanaagsan wajiyo quruxsan, rag la karaameeyey ayaan u nahay xaasas, oo ay eegaan iyagoo ku indho qabawsanaya, kuwa waaraya ayaanu nahay oo aan dhi-manayn, kuwa la aaminay ayaanu nahay aan wax qarinayn, kuwa degan oo aanan guurayn ayaanu nahay--- haddaba qofkii isaga taga heesaha aduunka allaah ayaa wuxuu ugu bedelayaa bedelkaa qiimaha badan.

Wabilaahi tawfiiq

Geeridii Nabiga S.C.W

Posted on January 7, 2011 at 10:10 PM Comments comments (1)

GEERIDII NABIGEENA MUXAMMAD NNKH

Nebigu wuxuu jiranaa 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun,habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.

Sayid-Bilaal ayaa aadamay aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay albaabka guriga Nebiga, wuxuuna yiri: (Assalamu caleyka yaa rasuululaahi) Faaduma ayaa tiri: "Rasuulkii Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, markii salaaddii cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay, wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo kale, dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka wuxuuna yiri: "soo gal Bilaal", waana soo galay Bilaal isagoo ooyaya Rasuulkuna SCW wuxuu yiri Bilaalow jiradii ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda dadka Abuubakar Sadiiq.

Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, dhahayana musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah.

Masjidkii ay uu galay, wuxuuna Abuubakar ku yiri "Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso" Abuubakar markii uu arkay mixraabkii uu Nebigu NNKH istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan waayay nafsaddiisa waana la miir daboolay waana qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey qeyliyeen, qeyladii ayuu maqlay Nebigu NNKH wuxuuna weydiiyay gabadhiisa Faadumo wuxuuna yiri " Faadumoy waa maxay hugunka iyo sawaxanka yeeraya?" waxay tiri Faadumo "Muslimiintii ayaa qeylinaya markey ku waayeen".

Rasuulku wuxuu u yeeray Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii salaaddii ayuuna ka baxshay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku NNKH la dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yiri: "Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idinku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa) adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro".

Intaa kaddib Nebiga NNKH waxaa la geeyey gurigiisa, Illahay ayaa u waxyooday Malakul-mowt wuxuuna yiri: "Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa) Muxammad NNKH uguna tag suurad wanaagsan una dhimri (naxariiso) marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo".

Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad NNKH isagooo u eg nin reer baadiye ah, wuxuuna yiri: "Assalamu calaykum ma soo galaa?" Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: "Ninyahow rasuulkii Illahay wuxuu ku mashquulsan yahay nafsadiisa"!!

Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii. Rasuulka NNKH ayaa Faaduma ku yiri: "Ma garanaysaa ninka?". Faaduma waxay tiri: " Maya" rasuulku wuxuu yiri: "waa ninka gooya macaanyaalka, kala geeya (kala wada) dadka is jecel, kharaabiya guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoonteeya, naagahana garoobbo ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt".

Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooysay, waxayna tiri: " masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go'ayaa wax'yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay.

Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)" wuxuu kaloo rasuulku yiri: " malakul'mowdow soo gal" wuuna soo galay malakul'mowt, wuxuuna yiri. "Assalamu calayka yaa rasuullulaah" rasuulkuna wuxuu yiri "wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga qaado nafta?".

>Malakul-mowt wuxuu yiri: "waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii idmi weyso waan iska laabanayaa! Rasuulku wuxuu yiri: "malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil . Malakul-mowt wuxuu yiri: "waxaan uga soo tagay samada adduunyada", isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri: "miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri: " waan ogahay rasuulkii Illaahayow". Rasuulku wuxuu yiri: " iigu bishaarey Illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama ah (wanaag ah)".

Malakul-jibriil wuxuu yiri: "albaabada samada waa la wada furay, malaa'igtii Illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada furay". Rasuulku wuxuu yiri: "iigu bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta Qiyaamaha?". Malakul-jibriil wuxuu yiri: "waxaan kuugu bishaaraynayaa Illaahay inuu yiri: Jannada waan ka xarimay (u diiday) ambiyada illaa Nabi Muxammad NNKH galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha Illaahay oo dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan". Rasuulkuna wuxuu yiri: "hadda ayuu diib noqday (wanaagsanaaday) qalbigaygu, igana suushay murugtii".

Rasuulku wuxuu yiri: "malakul-mowdow ii soo dhowow". Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta. Rasuulku wuxuu yiri: "maxaa darnaan badiyey xaraaradda (xanuunka) mowdka", wuxuu kaloo yiri: "malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay fiirinta wijigayga?". Malakul-jibriil wuxuu yiri " Illaahay xabiibkiisiyow yaa awood u leh inuu fiiriyo wajigaaga adigoo sakaraadaya". Aanas Binu Maalik wuxuu yiri: " Nabigu markay naftu ka baxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.

Rasuulkii Illaahay waa geeriyooday maalin isniin ah ee bisha rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid. Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii Illaahay:

Rasuulka waxaa mayray Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la karfanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu duugay gurigiisii ee qolka Caa'isha RC, habeen arbaco ah ayaana la duugay Suubanaha NNKH.

Wadaddii Rasuulka scw

Posted on January 7, 2011 at 10:00 PM Comments comments (0)

Rabi isaga oo amaanaya Rasuulkiisa s.c.w, wuxuu leeyahay:

"Waxaad ku sifowday akhlaaqda tan ugu wanaagsan" (Al-qalam4)

Akhlaaqdaas waxaa ka mid ah in dadka lagu kasbado jaceyl, hadal san, dhaqan fiican, wax bixin (deeqsinimo), anshax wanaagsan.

Waxaa ka mid ah in qaraabada lagula noolaado kuwa dhow iyo kuwa fogba dabci wanaagsan. Sidoo kale waxaa ka mid ah in dadka loo sahlo umuur kasta oo kheyr ku jiro, in loo cafiyo wixii xaquuq ah ee lagu leeyahay, iyo in laga tago is jaridda ama goynta.

Nebigeena (scw) wuxuu ku sifoobay waxaas oo akhlaaq wanaagsan ah, wuxuuna ahaa qof dhammeystiran.

Bal hadda nakeena walaalayaal aan aadno guriga Nebiga (scw), marka aan gaarno aqalka Nebigu (scw) waxaan arkeynaa in Nebigu (scw) uusan is kellifi jirin si uu u helo dhar iyo cunto.

Nebigu (scw) wuxuu xiran jiray wixii ay u sahlan tahay heliddiisa, hase yeeshee marka uu qaabilayo wafdi ama ay tahay munaasabad ciideed, wuxuu xiran jiray dharka ugu heerka sarreeya.

Nebiga wuxuu cuni jiray wixii uu helo, haddii uusan waxba helinna wuu iska seexan jiray isagoo calool maran, waxaana dhici jirtey in uu caloosha dhagax ku xiro si aan loo dareemin in uu baahan yahay.

Nebigu (scw) hadii uu helo firaash harag ah ama derin ah wuu ku seexan jiray, hadii uusan midna hellina wuxuu seexan jiray dhulka.

Haweenkiisa sharafta lihi (hooyooyinka mu'miniinta) wey ugu sabri jireen arrintaasi. Nebiguna (scw) wuu la yaabi jiray sabarkooda, waayo isagu ma dooneyn adduun. Waxaa dhacday in mar ay haweenka Nebiga tashteen oo ka wada hadleen ciriiriga ay ku jiraan xagga marashada iyo masruufka iyadoo haweenka kale ay nimceysan yihiin. Rasuulaku (scw) aad ayuu ugu xumaaday arrintaai, wuxuuna haweenkiisa ka haajiray muddo bil ah isagoo aan la hadleynin ilaa uu Allaah ka soo dejiyey aayado lagu doorrimaad gelinayo haweenka Nebiga.

Alle wuxuu aayadahaasi ku leeyahay: "Allaah sidaas ayuu la rabaa Rasuulkiisa, idinkuse haddii aad dooneysaan adduun iyo dhalaalkiisa kaalaya waa la idiin dhaqaaleynayaa oo la idin furayaa idinkoo nimceysan. Hase yeeshee haddii aad dooneysaan Alle, Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro, Rabbi wuxuu u diyaariyey ajar aad u weyn midiina samafalka badan".(Al-Axzaab)

Ugu horeyntii Nebigu (scw) wuxuu doorimaad geliyey Caa'isha wuxuuna ku yiri: "La tasho waalidkaa, isagoo is leh wey da'yar tahay"

Caa'ishana waxay ugu jawaabtay: "Ma adigaan kaala tashanayaa waalidkey? waxaan doonayaa Alle, Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro".

Rasuulka Haweenkiisa kale oo dhana waxay yiraahdeen sidaas.

Caa'isha Waxaa la weydiiyey sidii Nebiga (scw) ahaa marka uu joogo aqalkiisa, waxayna tiri: "Wuxuu ahaa qof ka mid ah dadkiisa, wuxuu tolan jiray maradiisa, wuxuu maali jiray ridiisa, wuxuu xaaqi jiray aqalka, wuxuu kaalmeyn jiray xaaskiisa".

Maalik wuxuu yiri: "Nebiga (scw) waxaan u adeegayey 10 sannadood, welina iguma oron Uf, Nebigu ma dhihi jirin arrin aan sameeyey maxaad u sameynsay, arrin aan ka tageyna maxaad u sameyn weyday ima uusan oran".

Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa oo safar ah ayaa waxaa la gaaray waqtiga cuntada, waxayna go'aansadeen inay ri' qashaan, markaa ayaa saxaabadii midkood yiri: " waxaan gowracayaa rida", mid kalena wuxuu yiri: "waxaan ka saarayaa haragga", mid saddexaadna wuxuu yiri "anigana waxaan doonayaa qoryihii". Markaas ayaa saxaabadii ku yiraahdeen "Rasuulka Allow annagaa kaa kaafineyna, laakiin wuxuu ugu jawaabay "Waan ogahay inaad iga kaafineysaan, laakiin waxaan kahanayaa inaan idinka duwanaado, Rabbi wuxuu ku nacaa addoonkiisa inuu ka duwanaado addoomihiisa kale".

Nebigena suuban wuxuu ahaa mid ka cabsada Alle, cibaadadiisuna badan tahay oo og inuu Rabbi daalacanayo, wuxuu u istaagayey habeenka Salaatu-Leyl ilaa ay caguhu ka bar bararaan, indhahiisuna la ilmeeyaan cabsida Alle dartii, haba sii bataane marka la gaaro Ramadaanka.

Nebiga wuxuu ahaa mid daa'ima xuska Alle oo mar walba yiraahda "Bismillaah" marka uu cunayo, cabayo, marka uu istaagayo, marka uu wax sameynayo ama wax bilaabayo, wuxuu dhamaan oran jiray Nebiga (scw) "Bismillaah

WAANO KUWAJAHAN WALAALAHA

Posted on January 7, 2011 at 9:59 PM Comments comments (1)

Walaalayaal inta aynaan gelin faallada kusaabsan raadinta raalli ahaanshaha rabbi, bal aan waxyar isweeydiino:

Maxaa bini'aadamka sidiisa uroon???????

Su'aashaan jawaabteedu waxaa weeye, bini'aadamka waxaa u roon in amuurihiisa Ilaahay u sahlo adduunka inta uu joogo, aakhirana uu cadaabkiisa ka xoreeyo. Sida xaqiiqdu tahayna, labadaan arrimood waxaa heli kara axadkii raaca Rasuulkiisa Muxammad ah(NNKH), adeecana Ilaahiisa abuurtay ee nicmooyinka tirada badan siiyey.

Haddaba walaalahayga Muslimiinta ah, marna Soomaalida ah rag iyo dumarba, gaar ahaan kuwooda qurbaha kunool, ama kafog waddankoodii hooyo, waxaan naftayda iyo toodaba kula talin lahaa arrimahaan soo socda, anigoo Ilaahay kaashanaya, islamarkaasna rajaynaya in Eebahay waanadaan aniga iyo iyagaba ku anfaco.

~ Marka hore waxaan kula talinayaa walaalahay, inay diintooda Islaamka xagsadaan, oo aad ugu dhagaan maadaama diintu tahay raasamaalka ugu fiican ee qofku heli karo, ogoow diintaadu waxa ay kufaraysaa waa wax adiga mar walba faa'iido kuuleh adduun iyo aakhiraba, islamarkaasna uroon caafimaadkaaga, carruurtaada iyo mustaqbalkaagaba, sidoo kale waxaad islamarkaas helaysaa in Ilaahay raalli kaanoqdo.

~ Waa marka labaade, waa inay Ilaahay mar walba kabaryaan inuu ku hagaajiyo tubta teeda toosan, xaqana uu kusugo. Hooyadii Mu'miniinta Caa'isho waxay Nabiga(NNKH) kawerisay in uu Ilaahay marwalba baryi jiray isagoo leh: ILAAHAYOOW ADAA QULUUBTA GADGEDDIYEE, KU SUG QALBIGAYGA DIINTAADA", waxyna Caa'isho tiri oo xaaskii nabiga ahayd: "Ducadaasi waxay ahayd ducada ugu badan ee rasuulku Ilaahiis kubaryi jiray.

Sidoo kale, walaaluhu ha isku dayeen quudashada maal xalaal ah, iyo shaqaynata meelo diintu ogoshahay. maxaa yeelay waxaa kuxiran aqbalka ducada, sidoo kale waxay kuu sahashaa in adiga iyo reerkaaguba aad toosnaataan. Nin saxaabi ah ayaa u yimid rasuulka(NNKH), markaasuu wuxuu kuyiri: Rasuulkii Alloow ii bari Ilaahay inuu iga dhigo mid ducadiisa la aqbalo, markaasaa rasuulku ugu jawaabay " Cuntadaada xalaal kadhig, markaas waxaad noqonaysaa mid ducadiisa la aqbalee". Sidaas darteed ogoow ducada aqbalkeedu wuxuu kuxiran yahay xalaasha oo laquuto.

Walaalayaal waxaa kaloo lagama maarmaan ah, in aan xaasaskeena iyo Caruurteenna u horseedno akhlaaqda iyo dhaqanka Islaamiga ah, anagoo marka koowaad u noqonayna iyaga kudayasho wanaagsan haddaan raggii nahay, waxaana haboon in ay guryaheenu arkaan sida aan xaqa ugu taagan-nahay, maarkaan saas yeelno, way inoo-fududaanaysaa in guryaheenu naga aqbalaan waanooyinka aan siinayno, amase ayba nagu daydaan, haddii kale waxaa nagu sifoobaysa maahmaahdii carbeed ee ahayd: FAAQIDU SHAY'I LAA YUCDIIHI (qofkii aan isaguba haysan wax ma bixiyo). Ogoow haddaadan adigu xaqa kutoosnayn way adagtahay in reerkaagu tooso.

Waxaan kaloo jeclaan lahaa in carruurta lagula dadaalo geeynta iskuulada muslimiintu fureen, anigoo og inay qaali yihiin, haddana Soomaalidu waxay kumaahmaahdaa LABA DARAN MID DOORO, kee dooranaa DHIBKA adduun oo lacag la'aanta ah, iyo DABKA AAKHIRO oo naarta ah. Waxaan kula talinayaa walaalaha muslimiinta ah inaysan dhayalsan inay carruurta geeyaan Iskuulada Islaamiga ah, maxaa yeelay, waa meeshii aan kubadbaadin lahayn kuna bari lahayn Ilaahay iyo rasuulkiisa iyo baarinimada waalidka. Fadlan kudar Iskuulkaas carruurta intii aad awoodid, xataa hal cunugna Allaha ka dhigee.

Aabaha iyo hooyada Soomaaliyeed waa inay carruurta ku barbaariyaan isticmaalka kalmadaha Islaamiga ah, kalana dagaalaan carruurta in maskaxdoodu qabato kalmadaha diinta udaran oo laga isticmaalo waddamada qurbaha ah, kalmadahaas oo carruurtu kala kulmi karaan dariiqyada iyo Taleefishinada. Waxaa lagama maarmaan ah in cunugga labuuxiyo waqtigiisa, laguna buuxiyo barasho diimeed, mid cilmi, sheeko waalid oo waano ah, hana lasiiyo waqti uu ku ciyaaro ilmuhu si xalaal ah oo waafaqsan sharciga Islaamka, iyadoo aan lagu dhexdarayn saaxiibo xunxun. Waqtiga ilmaha oo wanaag lagu buuxiyaa waxay keenaysaa in aan ilmuhu waqti uhelin inuu kudayaco waqtigiisa waxyaalo xunxun ama uu barto hadallo aan fiicnayn.

Waa in ay Waalidiintu daa'imaan booqashada masaajidka iyo naadiyada Islaamiga ah, ee lagu dhiso iimaanka. Tani waxay kusaacidaysaa reerkaas inay cusboonaysiiyaan Islaanimadooda mar walba, lana kulmaan dad ayagoo kale ah ama kafiican oo ay kudaydaan, Islamarkaasna masaajidada iyo maraakistaas islaamiga ahi waxay dhaxalsiin doonaanaan reerkaas inuu kala tago meeshaas saad xaga iimaanka iyo dhawrsanaanta ah oo uu kunoolaado asbuucyada soo socda Haddii Alle idmo.

Dhagaysiga cajaladaha diiniga ah iyo kuwa qur'aanku waxay qayb weeyn kaqaataan in qofku helo iimaan xusuusiya Ilaahay iyo daarta qiyaame, isla markaasna ku guubaabiya in uu raaco jidka toosan ee uu Ilaahay noojeexay. Sidoo kale waxaa haboon in reerka ama qofka kaligiis ihi uu yeesho cashar diini ah oo joogta ah oo uu qaato, haba ahaado asbuucii hal mar eh, sidoo kale, walaalaha waxaan ka codsan lahaa inay wixii ay faa'iidaystaan oo duruus ah ay noloshooda kudaraan oo ay kudhaqmaan.

Ugu dambayntii waxaan kuwaaninayaa qofkii aan weli guursan inuu ku xusho qofka uu guursanayo diintiisa iyo akhlaaqdiisa(labadoodoo wada socda), waana sidii uu rasuulkuba (NNKH) noo dardaarmay. Taasi laba faa'iido ayay leedahay: Waamide, waxay faa'iido uleedahay qofka guursanaya, oo qofkii uu diin iyo akhlaaq kudoortay waxaa dhacaysa inuu Ilaahay dartiis uga baqo oo uusan dulmiyin. Waa marka labaade, faa'iidadeeda kale waxaa weeye markii labadaas sifo laysku doorto, waxaa halkaas kasoo baxaya mujtamac Islaami ah oo caafimaad qaba oo kafog waxyaalaha burburinaya diinteenna Macaan

AHMIYADDA CIBAADADA SALAADDA

Posted on January 7, 2011 at 9:58 PM Comments comments (0)

Salaadda waxay ka mid tahay guud ahaan marka laga hadlayo cibaadada kuwa ugu muhiimsan, waana marka laga eegayo aragtida islaamka. Waxaa salaadda lagu soo waajib yeelay samada ama cirka, waxayna ahayd habeenkii Nebi Muaxammad (scw) la dheelminayay, iyadoo lambarka koowaad ka gashay cibaadadii kale ee tiirarka islaamka. Sababta loogu beegay waajibinta salaadda cirka ama samada ayaa ka tusinaysa ahmiyad goonni ah oo ay wadato salaadda.

Madaxda xukuumadaha maanta dunida kajira, markay soo korodho xaalad degdeg ah oo aad u muhiim ah, waxay durbadiiba u yeertaan danjirayaashooda/safiiradooda. Tani waa tan uu bini aadamku si fudud u fahmikaro, ee aan eegno dheelmidii nebi Muxamad.

Nebi Muxammad (scw) maadaama uu yahay safiirkii ummadda islaamka, ayuu Eebbe (sw) ugu yeeray arrin degdeg ah, aadna muhiim u ah, kadib markii loo dheelmay xagga samada, si uu si toos ahaaneed ula soo hadlo Rabbigii sarreeyay, ayna uga wada hadlaan arrinta ku saabsan waajibinta salaadda ee ummadda islaamka. Halkan waxaa mudan inaan xusno, in markii hore lagu waajibiyay oo loo soo dhiibay Rasuulka (scw) 50 salaadood, hase ahaatee wuxuu la kulmay Nebi Muse (cs), isagoo kula taliyay inuu u laabto xagga Alle (sw), uuna weydiisto inuu ka khafiifiyo tirada salaadaha, maadaama uu isagu soo arkay qoomkiisii reer Banuu Israa’iil. Sidii ayuu Rasuulka (scw) ugu noqday Eebbe (sw), isagoo sidaas sameeyay dhowr jeer, jeer markii danbe loo soo dhiibay salaado shan, laakiin xagga ajarka ay ka yihiin 50 salaadood oo kale.

Tixgelinta islaamka ay ku leedahay salaaddaRukniga ama tiirka Salaadda waxaa la waajibiyay 3 sanno kahor waqtigii hijrada. Waana cibaado ay la iman jireen ummadihii naga horeeyay iyo Nebiyadoodaba, sidoo kale ay waajib tahay inay la yimaadaan ummadda Nebi Muxammad (scw). Meel weyn ayuu islaamka gaarsiiyay ahmiyadda cibaadada salaadda, isagoo digniin iyo gooddi daranna uga digay ciddii ka tagta, ee aan la imaan salaadda. Salaaddu waa saldhiga ugu weyn ee diinta islaamka, waa furaha Jannada, dhinaca kale salaaddu acmaasha la qabto ayeey ugu kheyr badan tahay, waana camalka ugu horreeya ee addoonka la weydiin doono maalinta aakhiro. Dhammaan tiirarka kale ee aan ka ahayn salaadda waxaa lagu waajibiyay isagoo Nebiga (scw) saaran dhulka, halka salaadda keligeed loogu waajibiyay isagoo ku sugan samada ama cirka, waana habeenkii la dheelmiyay suubbanaha Nebiga (scw), waxayna taasi ku tusinaysaa miisaanka culus ee ay wadato salaadda.Nebiyadii hore iyo Salaadda

Nebiyadii hore dushooda nabadgelyo iyo naxariis Eebbe (sw) ha yeelee si goonni ah ayeey u qaddarin jireen ilaalinta salaadda. Matalan, waxaynu qur’aanka ka heli karnaa tusaalooyin fara badan oo arrintan la xiriirta. Matalan waxaynu arkaynaa Nebi Ibraahim (cs) oo ku duceysanaya “Rabbiyow waxaad iga dhigtaa kuwa salaadda ooga, sidoo kale ubadkayga, Rabbiyoow naga aqbal ducadayda” Suuradda Ibraahim lambarka 40. Sidoo kale, wiilkiisa Ismaaciil (cs) ayuu misna Eebbe (sw) ku ammaanayaa inuu ehelkiisa fari jiray salaadda, wuxuuna yiri “Wuxuu (Ismaaciil) fari jiray reerkiisa salaadda iyo zakada, Rabbi agtiisana wuxuu ahaa mid looga raalli yahay”. Suuradda Maryama aayadda 25.

Markii ugu horeysay ee loo waxyoonayay (Eebbe la hadlayay) Nebi Muse (cs) wuxuu Eebbe (sw) faray inuu oogo salaadda, wuxuuna ku yiri “waan ku doortow (Muusow) ee maqal waxa laguu waxyoonayo, Annigu waxaan ahay Allaha aan anniga mooyee Ilaah kale jirin ee anniga i caabud, salaaddana oog xuskayga” Suuradda Daha aayadaha 14 iyo 15. Sidaas oo kale ayaan qur’aanka ku arkaynaa dardaarankii addoonkii wanaagsanaa ee Luqmaan, markii uu u dardaarmayay wiilkiisa, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “wiilkaygayow oog salaadda, macruufkana far (dadka) munkarkana ka reeb (dadka), wixii dhibaato ku soo gaartana u sabar, sidaas ayaa ummuuraha kuwooda loo qasdo”. Suuradda Luqmaan aayadda 17. Nebi Ciise (cs) markii ugu horeysay ee uu hadlay isagoo ku sugan dhabta hooyadii, hadalladii waxyiga ahaa ee uu qur’aanka noo sheegay waxaa ka mid ahaa “waxaa la ii daardaarmay salaadda iyo zakada intaan noolahay”. Suuradda Maryama aayadda 31. Ugu danbeyntii waxaa Suubbanaha Nebigeena Muaxammad (scw) la faray inuu isna la yimaado salaadda, wuxuuna Alle ku yiri “Akhri (Muxammadow) wixii xaggaaga la waxyooday oo kitaabka ah, salaaddana oog, maxaa yeelay salaadda waxay (dadka ka) reebtaa xummaanta iyo waxa la naco...” Suuradda Al-Cankabuut aayadda 45.

Dhinaca kale, wuxuu Eebbe (sw) sii adkeynayaa ahmiyadda salaadda ugu leedahay xagga sifada ama tilmaanta Alle-ka-cabsiga (taqwa), wuxuuna Eebbe (sw) leeyahay “(qur’aanka) waa hanuun dadka Alle ka cabsada, waa kuwa rumeynaya waxa qaybka (qarsoon aan la arkeyn ee xaqa ah) ah, salaaddana oogaya, lana baxaya-na wixii aan ku arsaaqnay xaggiisa” Suuradda Al-Baqara aayadaha 2 iyo 3. Markale salaadda iyadoo aan aan eegayno, wuxuu qur’aanka ku billaabayaa, misna ku gabagabeenayaa sifooyinka dadka liibaanay, waana billoowga suuradda Al-mu’minuun.Waqti iyo xaalad goonni ah ma laha salaadda

Haddaba, qofka muslimka ah markasta iyo xaalad kasta waa laga doonayaa la imaanshaha salaadda, hadduu negaasho yahay, iyo hadduu safar yahay-ba, hadduu ku jiro xaalad cabsi, iyo hadduu ku jiro xaalad nabadeed, hadduu nabadgelyo haysto, iyo hadduu ku jiro xaalad colaadeed, hadduu buko, iyo hadduu caafimaad qabo, intuba waa inuu la yimaadaa salaadda. Wuxuu Eebbe (sw) isagoo na faraya inaan ilaalinno salaadaha yiri “xifdiya salaadaha (shanta ah) iyo salaadda dhexe (ee sharafta badan, waana salaadda Casar), una istaaga Eebbe (sw) dartii idinkoo u khushuucsan”. Al-Baqara aayadda 238 iyo 239. Taasna waxaa loola jeedaa, inaan xaalad kasta aan jirno ilaalinno salaadaha faralka ee shanta ah. Ma awoodi wayday inaad istaag ku tukatid, ku tuko fadhi, xittaa haddaad awoodi wayso inaad fadhi ku tukatid, waa inaad u tukataa dhinac-dhinac, ama-ba aad ku tukataa si ishaaro ahaan ah, siday culumada islaamka yiraahdeen oo kale.Gooddiga haysta qofkii ka taga salaadda

Maadaama aan sidaas u soo aragnay ahmiyadda ay u leedahay ilaalinta iyo xifdinta salaaddaa, sidoo kale-na aynu soo aragnay siday ummadihii hore iyo nebiyadoodiiba ay u ilaalin jireen salaadda, ayaa wuxuu haddana qur’aanka gooddi daran u jeedinayaa kuwa iyaga aanan ilaalin salaadda, isla mar ahaantaana aan waqtigeeda ku tukan, ama-ba aan gebi ahaanba u tukan. Wuxuu Eebbe (sw) isagoo uga digaya kuwaas aanan ilaalin waqtiyada salaadda ku yiri “ halaag waxaa u sugnaaday kuwa tukanaya (ee munaafiqiinta ah), ee haddana halmaansan salaaddooda” Suuradda Al-Maacuun aayadda 4 iyo 5.

Markii uu Eebbe (sw) soo magacaabay Nebiyaal fara badan, isagoo ku amaanay acmaashoodii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen, ayuu misna wuxuu Nebiyadaas gadaashood Eebbe (sw) ku xusay kuwo kale oo garabmaray wadiiqadii Nebiyadaas ee suubbanaa, wuxuuna yiri “waxaase ka gadaal maray (nebiyadaas) kuwo xun oo dayacay salaadda oo raacayna shahawaadkooda (waxay naftoodu jecleyd), kuwaas waxay la kulmi doonaan (aakhiro) shar”. Suuradda Maryama aayadda 59.

Haddaba, haddii aad doonaysid inaadan lagula kulmin shar iyo tog weyn oo ku yaala naarta Jahannamo, Ilaahay ha naga badbaadiyee, waxaad ku dadaashaa salaadda, oo ilaali waqtigeeda iyo axkaamteeda.

Haddii aan dib u milicsanno xagga axaadiista, waxaa hubaal ah inaan arkayno iyadoo uu Rasuulka (scw) ka dhigayo salaadda waxa lagu kala sooco qofka muslimka ah, iyo kan aan ahayn. Xaddiis uu werinayo Imaam Axmed iyo Muslim iyo sidoo kale Asxaabu-sunanku, wuxuu Rasuulka (scw) yiri “qofka iyo shirkiga iyo kufriga waxaa u dhaxeeya iyadoo laga tago salaadda”. Xaddiis kale oo saxiix ah, ayna werinayaan imaamyada shanta, wuxuu Rasuulka (scw) yiri “ballanta annaga (muslimiinta) iyo iyaga (gaallada) noo dhaxeysa waa salaadda, qofkii ka taga-na waa gaaloobay”.

Maalin maalmaha ka mid ah isagoo Rasuulka (scw) ka hadlaya mustaqbalka uu ku danbeyn doono qofka xifdiya oo ilaaliya salaadda iyo kan aan ilaalin ayaa wuxuu yiri “qofkii xifdiya (salaadaha shanta) waxay u noqon qofkaas (aakhiro) iftiin, xujjo iyo nabadgelyo maalinta qiyaamaha, qofkiise aan xifdin (salaadaha shanta) uma u noqoto qofkaas (aakhiro) iftiin, xujjo iyo nabadgelyo-ba, wuxuuna noqonayaa maalinta qiyaamaha la jirka Qaaruun, Fircoon iyo Haamaan (wasiirkii Fircoon) iyo Ubayu Binu Khalaf”. Culumada islaamka waxay iyagoo xaddiiskan fasiraya yiraahdaan “qofkay hantidiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa (qiyaamaha) la-jirka Qaaruun, qofkay boqortooyadiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Fircoon, iyo qofkay madaxtinimo iyo howlo wasaarado ay salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Haamaan, iyo ugu danbeyntii qofkay ganacsigiisu salaadda ka mashquuliso wuxuu noqonayaa la-jirka Ubayu Binu Khalaf.Salaadda la iska doonayo

Salaadda uu Islaamka doonayo ma ahan salaadda lala imaanayo oo keliya xarakaadka iyo qiraa’ada qur’aanka, isla mar ahaantaana aan wadan khushuuc iyo isu-dulleyn xagga Alle ah. Balse, salaadda uu islaamka doonayo, uuna aqbalayo waa tan wadata khushuuca iyo iyadoo lala yimaado dhammaan axkaamta salaadda. Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri hadal uu macnahiisu ahaa “labo rakcadood oo si khushuuc leh loo dhammeystiray ayaa waxay ka kheyr badan yihiin dunida iyo waxa saaran”.

Rasuulka (scw) salaadda ayaa u ahayd waxa uu ku il-qabowsado, wuxuuna ku oran jiray mu’adinkiisa Bilaal “noogu raaxeey Bilaalow”. Qofka mu’minka dhabta ah markii uu salaadda galo, wuxuu gebi ahaanba ka baxaa dunida uu joogo. Wuxuu si khushuuc ay ku dheehan tahay ula faqaa/hadlaa Allihii sharafta badnaa ee isaga abuuray, isaga ayuu weydiistaa waxa uu u baahan yahay, dhibaatooyinka iyo muragada haysatana wuxuu weydiistaa inuu ka qaado. Salaadda dhabta ah waxaa laga helaa xasilooni iyo degganaansho xeel dheer.

Qofka wuxuu salaadda ku galayaa takbiirta (allahu akbar) , wuxuu si dhab ahaan u dareemayaa inuu Eebbe (sw) ka weyn yahay dhammaan waxa ku hareereesan dunida. Dabadeedna wuxuu billaabayaa inuu aqriyo suuradda faataxada, isagoo ku macaansanayaa aayadaheeda, wuxuu is dareensiinayaa nimcada uu Eebbe (sw) ku galladaystay, markaasuu oranayaa “Al-xamdulillaahi Rabbilcaalamiin, Arraxmaani-Arraxiim” . Wuxuu kaloo ku taddabburayaa awoodda, caddaaladda iyo boqortooyada weyn ee uu Eebbe (sw) leeyahay, markaasuu si khushuuc ku dheehan tahay u oranayaa “Maaliki Yowmiddiin”. Intaas waxay u sii siyaadinaysaa dareynka iyo baahida uu ugu qabo kaalmada iyo la kulanka Eebbe (sw), markaasuu leeyahay “Iyaaka Nacbudu Wa Iyaaka Nastaciinu”.

Wuxuu haddana u guda galayaa dareynka baahida uu ugu qabo hanuunka Eebbe (sw) ilaa uu ka dhammeystiro suuradda oo dhan. Waa xiriir toos ah oo ay wada qaadanayaan addoonka iyo Rabbigiisa (sw). Allahu akbar, alla maxaa farqi aad u weyn u dhaxeeya salaaddii uu tukan jiray suubbanaha Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisii sharafta badnaa iyo salaadaha ay tukanayaan qaar ka mid ah muslimiinta maanta. Ugu danbeyntii, waxaan naftayda iyo tan muslimiinta oo dhan u dardaarmayaa dardaarankii uu noo jeediyay Rasuulka (scw) markii uu saarnaa sariirtii sakaraatka, waxyar kahor intuusan dhimman, kaasoo ahaa “DADOOW SALAADDA, SALAADDA” oo uu ula jeeday aynu ilaalinno salaadda, oo yeynan ka tagin ama dayicin.

Casharka 1aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

Posted on January 7, 2011 at 9:56 PM Comments comments (0)

Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim. Abtirsiinyada nabiga SCW waxay u qaybsantaa saddex qaybood: Qaybta u hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaa, waana qayb culimada islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla markaasna la hubo sixadeeda; Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato Cadnaan waxay ku eg tahay ilaa nabi Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay culimadu isku khilaafsan tahay sixadeeda in badan oo culimada ka mid ihina way ka gaabsadaan, qaar kalena way ka hadlaan; Qaybta saddexaad oo ka bilaabata nabi Ismaaciil ilaa laga gaaro nabi Aadan aad ayaay u adag tahay xaqiijinteeda iyo sixadeeda waxana wanaagsan in laga dhowrsada oo aan la dhex dabaalan.

Waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta ugu horreysa ee ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda hadday noqon lahaayeen kuwii hore iyo kuwii dambeba, waxaana weeye sidatan:

Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa.

Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la oran jirey reer binu Haashim, waxaana loogu magac daray awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey labadii safar ee suuratul Quraysh sheegtay oo ay qurayshtu u kala safri jirtay Shaam iyo Yamaan.

Haashim Wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla' iyo Cabdimudhalib iyo shan gabdhood oo kala ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo Junna. Waxaa sagaalkooda ugu yaraa Cabdimudhalib oo ahaa nibiga SCW awowgiis.

Cabdimudhalib siduu ku dhashay waxay ahayd aabbihiis Haashim ayaa Safar ugu kacay Shaam, wuxuuna sii maray Madiina oo uu ku guursaday kulana aqalgalay Salma bintu Camar. Haashim wuxuu sii watay safarkiisii Shaam. Markuu Shaam tegey ayuu xanuunsaday, muddo dabadeedna wuxuu ku geeriyooday magaalo la yiraahdo Qusa oo Falastiin ku taala. Salma, oo uur lahayd markuu Haashim tegey, waxay dhashay wiil ay u bixisay Sheyba. Haashim markuu dhintay waxa mas'uuliyaddii waraabinta xujeyda qaaday walaalkiis Mudhalib. Mudhalib markuu hawshaas muddo hayey ayuu Madiina aaday si uu u soo wado wiilkii uu walaalkiis Haashim ka tegey (Sheyba). Markuu Madiina yimid ayuu Salma ka codsaday inay wiilka ku darto hase yeeshee way u diidday, markaasuu ku yiri "waxaan u dhiibayaa hawshii aabbihiis iyo xaramkii Alle", sidaa ayeyna ugu dartay. Mudhalib markuu Makka ku soo noqday isagoo wiilkuu adeerka u ahaa wada, ayaa waxaa arkay dadkii Makka joogey markaasey wiilkii u maleeyeen addoon uu Mudhalib soo iibsaday sidaas darteed ayey wiilkii ku dheheen Cabdimudhalib (addoonkii Mudhalib), markaasuu mudhalib ku yiri "war hooggiinee, waa wiilkii walaalkay Haashim". Sidaas ayaa wiilkii Sheyba ahaa kula baxay naaneystaas Cabdimudhalib.

Cabdimudhalib wuxuu dhalay toban wiil iyo lix gabdhood, waxaana tobanka wiil lakalal oran jiray: Xaarith, Subayr, Abuu Dhaalib, Cadullahi, Safar, Cabbaas, Xamsa, abuu Lahab, Qiyidaaq, Muqawim. Lixda Gabdhoodna waxay kala ahaayeen: Safiya, Arwa, Ummu Xakiim, Bara'Caatika iyo Ummayma. Cabdimudhalib wuxuu noqday nin cajiib ah oo qureysh oo dhan ka tilmaaman, wuxuu noqday odeygii qureysheed sida lo ogsoon yahayna wuxuu leeyahay qisooyin caan ah oo kala duwan, halkanna aynaan ku soo wada koobi karin, waxaana ka mida ahaa Duullaankii Abraha iyo Qodiddii Samsamka, kuwaas oo isaga iyo qureyshba Ilaahay ugu gargaaray.

Waxa Soo Diyarshey/ Cabdi Raxman Abukar Dini

Xigasho/Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka

altaqwaa_114@hotmail.com

Toban Sababood Ay Dumarkau Ku Galaan Naarta

Posted on January 7, 2011 at 9:15 AM Comments comments (1)

Inta ka bacdi waxaa naf walbi khasab ku ah in ay ogaato inay ilaahay (sw) hor is taagi doonto maalinta qiyaamaha ka bacdina qofku aadi doono Jannada ama Naarta, sidii uu nabigu (scw) xadiis ku yiri { qof idinka idinka mid ah ma jiro ilaa wuxuu hor istaagayaa ilaaahay, wax turjumaan ahna ma jiro, dabadeed qofku wuxuu fiirinayaa dhankiisa midigta wuxuu arkayaa camalkii uu hor marsaday markuu aduunka joogay, dabadeed wuxuu fiirinayaa dhankiisa bidixda ah wuxuu arkayaa camalkii uu hor marsaday markii uu aduunka joogay, wuxuu fiirinayaa hortiisa wuxuu arkayaa naartii oo ka soo qaabilaysa hortiisa.}

Haddaba waxaan jeclaystay inaan ka hadalno maqaal ku saabsan toban sababood oo dumarku naarta ku galaan taas oo mid walba nabigu ka waramay, marka hore intaan galin nabigu (scw) wuxuu xadiis ku yiri:

يا معشر النساء تصدقن وأكثرن الاستغفار فإني رأيتكن أكثر أهل النار

Haweenkow waxaad la baxdaan sadaqada, ilaahayna waxaad waydiisataan dambi dhaaf waxaan idinku arkay inaad tihiin dadka u badan ee naarta galaya.

Xadiiskaa wuxuu nabigu ku cadeeyey in ay dumarku yihiin dadka u badan ee naarta galaya haddaba waxaa mudan in aan wax ka tilmaamno waxyaalihii nabigu cadeeyey in ay naarta ku galayaan qayb ka mid ah:

1) haweenta oo ninkeeda aan u abaal gudin

Nabigu (scw) wuxuu maalin u yimi dumarka oo salaad ciid ah tukaday markaas ayuu wacdiyey, waxaa wacdigiisa ku jiray in uu yiri waxaad tihiin kuwa u badan galitaanka naarta, markaas ayaa haweenay nabiga waydiisay maxay tahay sababta ugu badan ee aanu ku galaynaa naarta, wuxuu nabigu ku jawaabay sidan:

تكثرن اللعن وتكفرن العشير

Wuxuu yiri: abaalka ninkiina ma gudaan waxaad kale oo aad badisaan aflagaadhada. Xadiiskaan nabigu (scw) wuxuu ku caddeeyey labadaan arimood inay ka mid yihiin waxyaalaha haweenka u keena inay naarta ku galaan. Labada qof oo is qabaa waxay isku leeyihiin xuquuq gaar ah marka waxaa xaq ah in mid waliba midka kale ilaaliyo xaqiisa, waxaa kale nabiga (scw) ka sugan xadiis uu leeyahay haddii aan qof oran lahaa in qof kale u sujuudo waxaan amri lahaa in haweentu u sujuudo ninkeeda. Waxaa kale oo nabigu ka sugan xadiis kale oo macnihiisu yahay { haddaad aan midood wanaajiso oo ay hal mar kaa aragto wax ayan jecleen waxay oranaysaa waligay wanaag kaama arag} xadiiskaani wuxu cadeeyey sida ay dumarku u ilaawaan abaalka uu ninkoodu ku leeyahay waana waxyaaalaha u keena inay naarta galaan.

2) Ninkeeda oo ay khayaanto(samayso gogldhaaf)

Waxaa ka mid ah waxyaalaha haweentu ku gasho naarta in ay xiriir hoose la samaysato nin kale oo ay ka dhacaan waxyaalo xun xun sida zinada iyo wixii la mid ah. Waxaa nabiga laga wariyey xadiis oranaya:

فإذا بيت مبني على بناء التنور أعلاه ضيق وأسفله واسع توقد تحته نار فيه رجال ونساء عراة فإذا أوقدت ارتفعوا حتى يكادوا أن يخرجوا فإذا خمدت رجعوا فيها

Waxaa lay tusiyey wax sidii Tiinaarkii(sida ashuunka oo kale ah) oo kale xagiisa sare way yarayd, dab ayaa hoos kaga shidnaa, waxaa ku jiray rag iyo dumar qaaqaawan, marka dabka hoos lagaga soo shido kor ayay u soo kacayaan ilaa ay ku soo dhowaadaan inay ka soo baxaan, marka dabku yaraadana hoos ayey ku noqonyaan, nabigu wuxuu waydiiyey Jibriil dadka sidaa loo cadaabayo wuxuu ku jawaabay waa dadka zinaysta.

Xadiiskaan wuxuu nabigu noo cadeeyey ciqaabta ay leeyihiin dadka zinaysta waxaana xadiiska ka cad in qabriga marka la galiyo lagu bilaabayo ciqaabkaas iyo qiyaamaha lay sa soo saaro, marka laysa soo saarana waxaa ka dambeeyaa waa ciqaab iyo cadaab kale. Wuxuu nabigu xadiikale ku leeyey in la tusiyey haween naasaha loo jiidayo biro naar ah naarta dhexdeeda wuxuu nabigu sheegay dadka saa loo galayaa waa haweenka nimankooda u soo hoos galiyo ilmo ayan dhalin.

3) inay baxdo gabadhu iyadoo aan asturneyn ama dhex gasho rag ajnabi ka ah

Waxaa kale oo sababaha dumarka naarta ku galaan ka mid ah in ay baxdo iyadoo aan asturnayn(tabaruj) ama safar gasho iyadoo aan maxramkeedii wahelin, ama dhex gasho rag ajnabi ka ah. Waxaa nusuusta ku cad haddii ay gabadhu saa samayso in ay u keenayso in ay naar gasho. Wuxuu nabigu xadiith ku yiri:

صِنْفَانِ مِنْ أُمَّتِي مِنْ أَهْلِ النَّارِ لَمْ أَرَهُمْ بَعْدُ : نِسَاءٌ كَاسِيَاتٌ عَارِيَاتٌ مَائِلاَتٌ مُمِيلاَتٌ عَلَى رُؤُوسِهِنَّ أَمْثَالُ أَسْنِمَةِ الإِبِلِ ، لاَ يَدْخُلْنَ الْجَنَّةَ وَلاَ يَجِدْنَ رِيحَهَا

Wuxuu nabigu (scw) xadiithkaan ku yiri: laba nooc oo dadka ka mid waa dadka naarta loogu talagalay, waxaa labadaa nooc ka mid ah Haween dharqaba haddana qaaqaawan xaqii ka tagay dadkana xaqa ka leexiya, waxaad madaxooda moodaa kuruska geela, kuwaasi janada ma galayaan meel ay uga soo urtana ma tagayaan.

Dadka sifaadkaan leh oo xadiithku sheegay waxaa cad in ay naarta galayaan oo ayana janada galayn. Marka waxaa haboon gabadha muslimadda ah in ay iska fiiriso dharka ay qaadanayso, kuna dadaasho in ay qaadato dharka sharcigu u ogol yahay iyo inay iska ilaaliso in ay dhex gasho meel aan loo ogoleen si ay uga fogaato waxyaalaha naarta u keenaya.

4) In ay diiddo haddii uu ninkeeda u yeere isaga oo kale dantiisa gaar ahaaneed

Waxyaalaha naarta dumarku ku galaan ayaa waxaa ka mid ah in ay haweento ninkeeda u diido in la yeesho jimaac(danta gaarka ah ee ka dhaxaysa ninka iyo xaaskiisa) iyadoo ayan jirin wax diidayaa in ay sameeyaan sida inay jirran tahay ama caado qabto iyo wixii la mid ah. Wuxuu nabigu (scw) xadiith ku yiri:

إذا باتت المرأة هاجرة فراش زوجها لعنتها الملائكة حتى تصبح

Macnaha xadiithku waa haddii haweenta waagu u baryey iyadoo ka dheeraatay furaashkii ninkeeda(diiday ninkeeda) waxaa lacnad ku rida malaa’igta ilaahay ilaa waagu ka baryayo.

Waa dambi wayn oo qofku naar ku mutaysto in ay gabadhu isu diido nin keeda iyadoo aan lahay wax cudurdaar ah.

5) Afka adinka oo ay dadka ku dhibto

Haddii ay haweento ku dhibto ninkeeda iyo dhamaan muslimiinta kale waxay ku galaysaa naarta sababtoo ilaahay (sw) iyo nabigiisa (scw) waxay xarimeen in lagu dhibo muslimiinta af iyo adinba. Wuxuu nabigu (scw) yiri:

عن أبي هريرة قال قال رجل يا رسول الله إن فلانة فذكر من كثرة صلاتها وصدقتها وصيامها غير أنها تؤذي جيرانها بلسانها قال هي في النار

Macnaha xadiithku waa in uu nin u yimi nabiga dabadeedna uu uga waramay haweenta heblaayo ah way salaad badan tahay wayna sadaqo badan tahay wayna soon badan tahay laakiinse waxay carrabkeeda ku dhibtaa dariskeeda, Nabiga (scw) wuxuu ku jawaabay haweentaasi in ay naarta galayso.

6) In ay had iyo goor sheegto been.

Beentu waxay ka mid tahay waxyaalaha dadku ku galaan naarta, wuxuu nabigu xadiith arintaa kaga hadlaya ku tilmaamay:

وَإِنَّ الْكَذِبَ فُجُورٌ ، وَإِنَّ الْفُجُورَ يَهْدِي إِلَى النَّارِ ، وَإِنَّ الْعَبْدَ لَيَتَحَّرَى الْكَذِبَ ، حَتَى يُكْتَبَ كَذَّابًا

Macnihiisu waa: Beento faajinimo (xaqa ayay duwaysaa), faajirnimaduna waxay kuu geeysaa naarta, qofku haddii uu beenta badiyo waxaa laga dhigaa beenlaawe.

Xadiisku wuxuu tilmaamay in ay beentu naarta kuu geynayso qofkana ilaahay agtiisa looga aqoonayo inuu beenlaawe yahay.

7) in ay haweentu iska kibriso ninkeeda

Haddii ay haweento iska kibriso ninkeeda oo markay la hadlayso islawayni ula hadasho ama ay ku jeestayso waxay arinkaa ku galaysaa naarta, sida nabigu xadiis ku tilmaamay wuxuu yiri:

يحشر المتكبرون يوم القيامة أمثال الذر في صور الرجال يغشاهم الذل من كل مكان يساقون إلى سجن في جهنم يسمى بولس تعلوهم نار الانيار يسقون من عصارة أهل النار طينة الخبال

Xadiiska macnihiisu waa in nabigu (scw) yiri waa la soo saarayaa dadka is kibriya maalinta qiyaamaha iyagoo la mid ah quraanjo oo qaab dad leh, waxaa ku dhacaya dulinimo, waxaa loo kaxaynayaa xabsi ku yaal jahanamo dhexdeeda magaciisu yahay Polis, waxaa ka kor noqonaysa naarta waxaa lagu warabinayaa dheecaanka ka soo baxa dadka naarta ku jira.

8) In ay haweentu badiso argagaxa iyo oohinta aan sharciga ahayn markii masiibo dhacdo, ama qof ka dhinto

In qofku ka caroodo ama ka xanaaqo qadarta ilaahay haddii ku timado sida ninka oo ka dhinta, cunug ka dhinta ama masiibo kale oo ku dhacda. Wuxuu nabigu xadiis ku yiri

النائحة إذا لم تتب قبل موتها تقام يوم القيامة وعليها سربال من قطران ودرع من جرب

Macnaha xadiisku waa Naagta balanbasha oo qaylisa markii qof ka dhinto haddii ayan tawbad keenin qiyaamaha waa la soo istaajinayaa iyadoo qabta dhar daamuur kulul leh iyo diric la ga sameeyey cadho.

9) In ay dadka isku dir dirto oo ay warka u kala qaado

Ficilada xunxun oo ay dadku ku galaan naarta waxaa ka mid ah in ay dadka u kala qaadaaan wararka si ay isugu diraan waana arrin aad iyo aad halis u ah qofka sameeyana ma galo janada wuxuu ka mid noqdaa dadka naarta galaya. Wuxuu nabigu (scw) xadiis ku yiri:

لا يدخل الجنة قتات

Macnaha xadiisku waa in uu nabigu yiri qofka dadka isku dira oo wararka u kala qaada janada ma galo.

10) in ay haweento cunto Ribada:

Ribadu waxay ka mid tahay waxyaalaha ay dadku naarta ku galaan waana waxyaalaha ay diintu ka digtay in la isticmaano ilahaay wuxuu quraanka ku leeyahay:

الَّذِينَ يَأْكُلُونَ الرِّبَا لَا يَقُومُونَ إِلَّا كَمَا يَقُومُ الَّذِي يَتَخَبَّطُهُ الشَّيْطَانُ مِنَ الْمَسِّ ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا إِنَّمَا الْبَيْعُ مِثْلُ الرِّبَا

Macnaha aayaddu waa in ilaahay (sw) yiri: {kuwa ribada cuna qabriga waxay ka soo baxayaan iyagoo aad moodo in ay waalan yihiin sababtuna waa inay yiraahdeen beeca iyo ribadu waa isku mid}

Haddaba waxaan ku soo gebabaynayaa in ay aad iyo aad u badan yihiin waxyaalaha naarta ay gabadhu ku gasho laakin waxaan ka soo qaatay toban qodob oo kaliya. Waxaa haddaba haboon in gabaddha muslimadda ah ay ka dheeraado waxyaalaha u soo jiidaya in ay noqdo mid ehlu naar ah.

Walaashayda muslimadda ahay haddii ay kaa dhacdo dunuunbtaa aan soo sheegnay waa inaad ku degdegtaa u noqoshada iyo tawbad keenka allaah, oo ka qoomamaysaa dambiga aad samaysay oo aad bedeshaa dhaqankaaga iyo xaalkaaga dhamaantiis, waa isu diyaarisaa inaad ilaah la kulanto adigoo aan soo daa’imin dunuubtaa waawayn. Ogow in qofku haddii uu tawbad keeno ilaahay ka tawbad aqbalayo. Naftayda iyo taadaba waxaan u dardaarmayaa inaan ilaahay ka cabsano

Wabilaahi tawfiiq

C/Raxman Abukar Dini

Email..Abdirahmandiini@hotmail.com

Wax yaalaha naftu jeceshahay oo lagu Galo naarta

Posted on January 7, 2011 at 9:13 AM Comments comments (0)

Waxaa diyaariyey C/qani M. calixagaa

Qardhaawi@yahoo.com

Qofka muslimka ahi wuxuu had iyo goor dagaal kula jiraa waxyaalaha naftu jecelshahay oo loo yaqaan "shahawaad" , waxyaalahaas oo nafta u keena in ay ku mutaysato ciqaabka

allaah, dagaalkaa ay naftu kul jirto shahawaadka in badan oo dadka ka mid ah waa looga

adkaadaa in yar ayaa ku guulaysata dagaalka ay kula jirto shahawaadkeeda. Nabigu (scw)

wuxuu yiri {jannada waxaa laga heeraaray waxyaalaha naftu dhibsato, naartana waxaa lagu heeraaray waxyaalaha naftu jeceshahay} xadiithkan macnihiisu waa haddii ay naftu raacdo wax kasta oo ay jeceshahay waxa qofka u gaynaysaa in ay cadaabka gasho, haddiise naftu ay qabato waxyaalaha ay necebtahay sida (habeenkii aad toosto xilliga ay hurdadu u fiican tahay, salaadda subax oo aad toosto waliba aad masaajidka soo aado, xoolaha aad jeceshahay oo aad zako ka bixiso, iwm) waxay naftu u gaysaa in ay janno gasho. Shaydaanka ayaa had iyo goor nafta u qurxiya waxyaalaha lagu muto cadaabka, naftana jecliisiiya. Dadkii salafkii waxay nooga digeen in la raaco shahwaadka ay naftu jeceshahay, waxaa laga hayaa nin ka mid culumadii hore Yaxye ibnu Mucaad in uu yiri - qofkii xubnihiisa uga raali noqda inay ku raaxaystaan waxkasta ay jecelyihiin ha ogaado qofkaasi wuxuu beertay geed uu hadhow ka qoomameeyo. Allaah (sw) isagoo dhaleecaynay waxyaalo badan oo ay naftu jeceshahay wuxuu yiri

Aayadda macnaheedu waa {Dadka waxaa loo qurxiyay in ay jeclaadaan wax kasta oo naftu jeceshahay sida Haweenka, Caruurta, Lacagta, Dahabka,qalinka, Fardaha la carbiyey, iyo Beeraha arintkaasi waa dhaldhalaal aduun, ilaahay agtiisa ayaa waxaa ah meel la joogo oo wanaagsan---alcimran}. Nabigu wuxuu xadiith ku yiri (Kama tagin gadaashayda fidno ragga uga daran haweenka), wuxuu nabigu isagoo la hadlaya ragga yiri (ka dhowrsada dumarka wixii u horeeyey ee reer banii-israa'iil lagu fidneeyey waxay ahayd haweenka). Ciqaabta ay leedahay nooc ka mid shahwada sida zinada wuxuu nabigu ka waramay in mar ay wada socdeen Jibriil ay soo mareen dad lagu dhex cadaabayo weel sida tiinaarka muufada lagu dubo oo kale ama

qaabka ashuunka oo kale leh, nabigu wuxuu yiri waxaan maqalnay qaylo iyo buuq waxaan fiirinay tiinaarkii mise waxaa ku jira rag iyo dumar qaaqaawan, olol ayaa xagga hoose kaga ka soo qaadaya ilaa uu keeno halka u saraysa, Jibriil ayaan waydiiyey kuwani maxay yihiin?, Jibriil wuxuu kujawaabay waa ragga iyo dumarka sinaysta waxaa lagu cadaabayaa qabriga saas ayay ahaanayaan ilaa laga soo bixiyo qabriga maalinta qiyaame). Mar kasta oo naftu raacdo waxay ay jeceshahay, u sii dhiibaysaa mid kale ilaa ay qofkii halaagto, shaydaankuna waa ku dhaartay in uu ummadda baadiyaynayo meel kastan uu u marayo sidii uu xaqa uga leexin lahaa. Allaah (sw) isagoo ka waramaya wuxuu yiri (shaydaanka(ibliis) ayaa wuxuu yiri

{ilaahaw sida aad ii baadiyaysay ayaan aniguna adoomadaada ayaan u qurxinayaa aduunka waana baadiyaynayaa dhamaan}in taa kuma harine wuxuu noo sheegay in uu sii wadaayo baadiyaynta wuxuuna yiri:

{dabadeedna waxaan uga imaanayaa hore, gadaal, midig iyo bidix intooda badana ma helaysid inay kugu shugriyaan- Acraaf).

Shahwada ama balwadda oo ay naftu raacdaa waxay keentaa in ay khaatumadiisu xumaato nabigu wuxuu yiri (qofku sida uu camal ugu jiro ayaa waxaa ka hor mara kitaab loo qoray markaas ayuu naarta gala). Habeen ayaa waxaa tukanayay Sufyaan athowri wuxuu bilaabay inuu ooyo ilaa uu waagii ka baryay, waxaa u yimi dadkii dariska ahaa waxay waydiiyeen ma waxaad la ooyday dambigaaga oo aad ka baqaysid mise wax kale? Wuxuu ku jawaabay dambiga kama ooyin ee waxaan ka ooayay in ay khaatumadaydu xumaato. Qofku had iyo goor inuu ku xirnaado waxa ay naftu jeceshahay isuna dhiibo balwadiisa waxay keenta in qofka camalkiisu buro oo uu khaatumo xumo ku dhinto.

Jacaylka allaah oo qofka ka dhuma: Marka uu qofku qalbigiis ka buuxiyo jecaylka shahawaadka xaaraanta ah waxaa qalbigiisa ka baxaya jacaylkii allaah uu u qabay, sababtoo ah jacaylka allaah iyo jacaylka shahawada iyo balwadu isku meel ma galaan, waa labo jacayl oo lid isku ah, wax kasta oo lid isku ahna meel kuma wad kulmaan, mid uun baa qofka qalbigiisa boos ku yeelanaya. Haddii aad rabto inaad qalbigaaga ka buuxiso jacaylka allaah, waa inaad xakamaysaa naftaada oo u diidaa wax kasta oo shaydaan lug ku leeyahay, haddii naftu ay daaimto shahawaadka iyo macaasida waxaa loo soo dadajiyaa ciqaabta aduunka dhexdiisa. Nabiga (scw) wuxuu yiri {haddii ay dad muujistaan macaasida sida sinada ay samaynayaan waxaa dhexdooda ku fida cuduro

sida daacuun iyo cuduro kale oo aan horay ummadihii hore ugu dhicin…} sida maanta

caalamka ka muuqata waxaa dhab noqday xadiithkan uu nabigu sheegay muddo hadda

laga joogo 1400 oo sano, maanta markii ay sinadu badatay waxaa soo baxay cuduro aan

hore loo aqoon sida aydhiska (AIDS). Sidee looga bixi karaa jacalka shahawaadka Shareecadeena iyo diinteen islaamka ee toosani waxay na bartay sidii looga bixi lahaa wax kasta oo mushkilo ah oo naftaada soo food saara.

a) Qofka waa in uu xusuustaa ilaahay markasta uu shaydaanku isku dayo inuu ku rido

macaasi, mar kasta oo aad naftaada uga baqdo macaasi waa in aad tiraahda "macaada laah = ilaah ayaan magan galay" ama " inii akhaafulaah = ilaah ayaan ka cabsanayaa". Kalmadda hore waxaa yiri nabi Yusuf markii ay haweentii ay doontay naftiisa, markii uu kalmaddaas yiri ilaahay wuu ka leexiyay dhagartii ay waday. Kalmadda labaadna waxaa ka waramay nabiga (scw) in qofkii ay u timaado haweenay aad u qurux badan ka bacdina ay u yeerato si uu ugu dhaco, hadii uu yiraahdo "inii akhaafulaah" kana taga wuxuu qofkaasi ka mid noqonayaa todobada qof ee la galinayo harka maalinta qiyaame ee aan

har jirin. Sida allaah (sw) ugu quraanka kariimka ah

{waxaa jannada loo soo dhowayanayaa dadka mutaqiinta ah waxaa loo keenaya meel aan ka dheerayn}, intaa ka bacdi ayaa ilaahay sii faahfaahiyey cidda janadaa iska leh wuxuuna yiri;

waxaa lagu oranayaa taasi waa wixii allaah u ballan qaaday mid kasta oo u noqosho badnaa xagga eebe ilaalinna badnaa,

waa qofkii allaah ka baqay marka uu kaligiis cidla joogo

lana yimi qalbi ilaahay ku xiran,

waxaana lagu oranayaa si nabad gelyo ah ku gal jannada maanta waa maalintii aad ku waari lahaydeene}.

b) Qofku waa og yahay in ilaahay u jeedo ogyahayna axwaashiisa dhamaanteed, sida allaah uu quraanka ku yiri

{miyayan ogayn in Allaahogyahay waxa ay qarsanayaan iyo waxa ay muujiyaanba} Wuxuu kale uu allaah yiri

{allaah waa ogyahay nafta waxyaabaha lagu qarinayo qalbiga dhexdiisa iyo waxaa ay muujinayaan}. Marka qofku meel uu kaligii joogo, naftuna ay u yeeranaysao inay samayso dunuub, marka hore xusuuso allaah, kadibna ka xishood una sheeg nafta in ilaahay u jeedo.

Wabilaahi tawfiiq

Waxaa qoray C/qani M. calixagaa- Qardhaawi

qardhaawi@yahoo.com

C/Raxman Abukar Dini

altaqwaa_114@hotmail.com

Kitaabka Lataxsan Q2aad

Posted on January 7, 2011 at 9:11 AM Comments comments (0)

 •Iskajir dunuubta, iyada weeye waxa keena Hammiga Iyo Qammigee, waana iyada waxa fura albaabada balaayooyinka.

•Haka xumaan hadalka iyo waxa xun ee lagaa sheegayo adiga waxba kuma yeeline, kan yidhi ayuu dhibayaaye.

•Ogow in kan ku caayey uu kuu hibeeyey wanaagyadiisii, danbiyadaadiina la maydhay, wuxuuna kaa dhigay mid caana, taasina waa Nimco.

•Haku adkayn naftaada cibaadada, ku dhaganow sunnaha iyo dhex dhexaadnimada cibaadada, oo dhex dhexaad noqo, iskana jir inaad diinta isku adkayso “ al quluw fidiin “..............

•Ufurfur wajigaaga dadka waxaad helaysaa dhawaan shahooda, hadalkana u dabci si ay kuu jeclaadaan, una naxariiso si ay kuu wayneeyaan....

•Noqo tii bilowda wanaaga, dadkana u tudha, damina cadaawada “ xumaanaha “ idinka dhaxaysa dadka, nabadgalina cadawgaa, badsana saaxiibka wanaagsan.

•Albaabada ugu wayn ee sacaadada waxaa kamida ducada waalidka ee badso wanaag ufalkooda iyo wanaajintooda, balaayooyinka halagaa awdee.

•Ufiirso kuwa kaa hooseeya xaga jidhka, suurada, maalka, guriga, shaqada iyo duriyada, si’aad u ogaatid inaad kumanyaal qof ka sarayso.

•Xaqiiqso in kuwa aad la dhaqmayso oodhan oo ay ka mid yihiin walaalkaa, ilmahaaga, ninkaaga, qaraabadaada, saaxiibadaa inayna ahayn ceebka saliim, hadaba naftaada bar sidii aad midkasta sidiisa ugu aqbali lahayd.

•Saacad naftaada la cidloow si’aad uga fikirto umuurahaaga, naftaadana u xisaabisid, aakhiradaadana uga fikirtid, aduunyadaadana u wanaajisid.

•Kayeel labiskaaga mid caadiya, mid aan ahayn kuwa aadka u koreeya ahayna kuwa aadka u hooseeya, naftaadana caan hakaga dhigin labis, ee ahoow sida dadka kale oodhan.

•Safar mar marka qaarkood, si aad u cusboonaysiiso noloshaada, una soo aragto dhaqamo kale, una soo aragto nolol iyo wadamo cusub, ilayn safarku waa dhadhan kalee.

•Kubilow dadka salaanta, dhoolo cadayna kusoo dhawee, ihtimaamna sii, si aad u noqoto mid qalbiyadoodu ay jeclaadaan una dhaw.

•Ku farax wax yaabaha danbiyada lagu dhaafo sida, acmaasha wanaagsan,dhibaatooyinka, towbada, ducada muslimiinta, raxamada Raxmaan iyo shafaacada Rasuulka " Salallaahu calayhi wasalam "

•Ku dadaal Sadaqada haba yaraatee. Sadaqadu waxay damisaa xumaanta, qalbigana way farxad galisaa, hammigana way kaxaysaa, risqigana way badisaa.

•Kayeel ku dayashadaada Iimaankaaga Muxammed " Calayhi salaatu wasalaam " ilayn waa hogaamiyihii sacaadada, kii ku tusayey guushee.

•Soo booqo Dhakhtarada si aad u ogaatid nimcada caafimaadka, soona booqo Jeelasha si aad u ogaato nimcada xoriyada, soona booqo Dhkhtarka dadka waal waalan si aad u ogaato nimcada caqliga, ilayn waxaad ku jirtaa nimcooyin aadan ogayn qiimahoodee.

•Hakaga farxin cadawgaaga cadhadaada iyo tiiraanyadaada, taasi waa waxay kaa sugayaane. Haku caawin guushooda wayn ee’ah inay arkaan noloshaada oo burburtay

•Ka dheeroow Cishqiga, Qaraamka iyo jacaylka aan xalaasha ahayn. Wuxuu sabab u noqdaa cadaabka ruuxda, cudurada qalbiga. Ucarar dhinaca Rabbigaa, xusitaankiisa iyo cibaadadiisana badi.

•Araga oo la sii daayaa wuxuu ku dhaxal siiyaa Hammi, Qammi iyo dhaawac uu qalbiga ku reebo. Ka saciidka ahi waaka indhihiisa laabta Rabbigiina ka cabsaday.

•Ku dadaal nidaamka cuntadaada, ka cun inta faa’iidadadleh, iskana jir nafaqo darada, hana seexan adoo dharagsan.

•Ha cadhoon, hadaad cadhootana aamus oo shaydaanka iska naar meeshana badal, hadii aad fadhiday istaag hadii aad istaagsanaydna fadhiiso, soo wayso qaado oo badi dikriga Rabbigaa " Xumaanoodhan ka nasahnaaye "

•Wixii ku asiibay kumuu dhaafeen, wixii aan ku asiibinina kugumuuna dhaceen, qalimaanta wixii laguugu qorayna way qalaleen, xeeladna uma lihid qadarta inaad badasho.!

•Hadii uu cadhoodo mid kamida labada isqabaa ka kale ha aamuso, midkoodba midka kalen haku aqbalo siduu yahay ilayn majiro cid ceebka saliim’ahiye.

•La fadhiisiga ka wanaagsani wuxuu ku galinayaa yididiilo, wuxuuna kaa fududaynayaa dhibaatooyinka, wuxuuna kuu furayaa albaabka farajka. La fadhiisiga “ mutasha’im “ aduunyada oo dhan ayuu kuu madoobaynayaa.

•Cuntadu waa sacaadada maalin, safarkuna waa sacaadada usbuuc, guurkuna waa sacaadada bil, iimaankuna waa sacaadada cimrigoodhan.

•Noloshu waa fursad, mana ogaano fursadaas ilaa aynu wayno.

•Hadii aadan lahayn cid ku xaasida kjayr kuguma jiro, hadii aadan saaxiiblahayna dabeecad malihid, hadii aadan diinlahayna mabda’ malihid

•Aduunyada waxaa kuyaala jano, qofkii aan galina magalo janada aakhira, waana digkriga Ilaahay iyo daacadiisa, wehelkiisa iyo xiisihiisa

C/raxman abukar diini

altaqwaa_114@hotmail.com


Rss_feed

Oops! This site has expired.

If you are the site owner, please renew your premium subscription or contact support.